Saturday 26 February 2011

Aleylahee Cadaalad-Daraa Hargeysa ka dhacday (Gaalkii Jarmalka ahaa ee Gabdhaha Soomaaliyeed Sex-ka ka duubay oo la sii-daayay)

Written by Administrator   
Friday, 25 February 2011 23:11

Horaan u saadaalinay hadii aan nahay Bahda Shacabkamedia in muddo gaaban kadib la-sii-deyn doono Ninkii Jarmalka ahaa ee Magaalada Hargeysa Aflaanta Sex-ahaa ka duubay Gabdho Soomaaliyeed.

Hadaba waxaa caawa maqraibkii  ka socdaalay magaalada Hargeysa Dembiile Gunter Bischof,waxaana nadiib-darro Garoonka ku sii sagootiyay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland Dr Gaboose iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka,kuwaasoo weliba raali-gelin iyo ubaxyo ku sii sagootiyay Odaygan Jarmalka ah ee  Filimo ansho xumo ka duubay Dumar Soomalaiyeed,waxaana arintan ka carooray  umadda ku hadasha Afka Soomaaliga

Gunter Bischof oo da’a ahaan jiray 72 sano, kuna qabay Magaalada Hargaysa gabar Soomaaliyeed  ayaa maxkamadi ku xukuntay afar sano iyo ganaax dhan 10,000 oo doolar Bishii kowaad ee sanadkan ka dib markii uu Filimo anshaxa Soomaalida iyo tan Diinta Islaamkaba ka baxsan  ka sameeyey dumar Soomaaliyeed oo degaan ahaan ka soo jeeda Magaalada Hargaysa,maxkamadan ayaa sidoo kale ku xukuntay hal sano gabadhii ama Atariishadii la dhigaysay Filimka Muuqaalka ah,iyadoo la iska cafiyay Dumarkii kale ee sawiradda laga qaaday iyagoo qaawan oo Nuudo ah.

Sheekh Adan Siiro oo ah Imaamka Masaajidka Xawaadle ee magaalada Hargaysa oo daawaday Filimadan ayaa horay u sheegay "in wuxuu ku  arkay cajaladaha  hadaad daawataan aad naf ka wada quusanaysaan,kadibna aad Gaalkan ku xukumi-lahaydan dil iyo dal-dalaad"

Ninkaan Zaaniga ah (Nacaladi dushiisa ha-ahaatee) Mr Gunter Bischof ayaa sii dayntiisu waxa ku farxay qaar badan oo ka mid ah Bulshada  ka soo jeeda gobolada waqooyiga Soomaaliya ,iyaga oo aaminsan in arintani soo dedejinayso aqoonsigii Somaliland.
Ugu dambeyntii Maamulka Siilaanyo ee sii-daayay Zaanigii sharaftii Dumarka Soomaaliyeed dhulka la dhacay ,soo ma awoodi-karo inay il-naxariis ah ku eegaan Sheekh Maxamed Akaashi oo har iyo habeen  koronto lagu cadaabo xabsiga magaalada Hargeysa,iyadoo lagu heysto oo keliya (Sida Filinka ka muuqata)inuu Dadweynaha Somaliland ku wacdiyo inay ka fogaadaan Cadowga Itoobiya.
Hadaba hadii Gaaladii Reer Yurub lagu qanciyay in loo sii-deynayo Gaalkii Gabdhaha Soomaaliyeed sharaftoodii meel ooga dhacay,maxaa khaldan in hadda la gaaray waqtigii la-sii-deyn lahaa Sheekh Maxamed Akaashe oo har iyo habeen Koronto lagu cadaamo.

(Gaalkii Sawirkaan qaadayna si xarago leh ayuu u dhoofay kadib markii la sii-daayay,Sheekh Maxamed-Akaashana har iyo habeen korontaa lagu cadaabaa sida aad ka arki kartid filinka,aaway Culimadii Somaliland mise icitiraaf-raadin bay ka doorteen cadaabka Sheekha may ka hadlaan?

Daawo Sheekha  oo Koronto lagu Cadaabayo:


Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono 

Email: Shacabkamedia@live

1 comment:

Anonymous said...

Excellent website you have here but I was curious about if you knew of any message boards that cover the same topics discussed
in this article? I'd really love to be a part of online community where I can get responses from other experienced individuals that share the same interest. If you have any suggestions, please let me know. Cheers!

my web-site; livesexchat

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...