Wednesday 1 February 2012

Abuu Muscab "Madayacmi Doonaan Dakii uu Qeybdiid Itoobiya ugacan gelshay oo qaarkood aan la ogeyn Halka..".


Written by Administrator on .
somalimemo.netAbuu Muscab "Madayacmi Doonaan Dakii uu Qeybdiid Itoobiya ugacan gelshay oo qaarkood aan la ogeyn Halka ay jiraan waana laga aari doonaa".

Xarakada Shabaabul mujaahidiin ayaa faah faahin ka bixisay Howlgallo kaladuwan oo ay ciidamada xarakadu maanta ka fuliyeen magaalada Muqdisho iyo wilaayada Banaadir iyo magaalada Gaalkacyo.

Afhayeenka ciidanka Mujaahidiinta Sheekh C/caziiz Abuu Muscab oo shir kooban uqabtay saxaafadda Islaamiga ayaa sheegay in ciidamada Mujaahidiinta ay saaka aroortii weerar kula jarmaadeen ciidan taabacsanaa DKMG ah oo ku sugnaay deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho.

Wuxuu sheegay in weerarkaasi najaxay ayna mujaahidiintu muddo kabadan 4 saacadood ku sugnaayeen goobta welina Jaziira tahay goob haawanaysa oo aysan cadawgu ku sugneyn.

Dhinaca kale Abuu Muscab ayaa sheegay in mid kamida guutadaha Istish-haadiyiinta mujaahidiinta uu weerar ku qaaday Guri uu Gaalkacyo ka deganaa Cabdi Xasan Cabdi Cawaale Qeybdiid.

"Walaal kamid ah guutada Istish-haadiyiinta ayaa weerar ku qaaday Guriga Ninka Murtadka ah ee Cabdi Qeybdiid halkaasi wuxuu ku dilay ciidan ilaala u ahaa isagana Ilaahey ayaa Shahaadda siiyay"ayuu yiri Abuu Muscab.

Cabdi Qeyb-diid ayaa lagu Eedeeyay in uu Dad badan oo Soomaali ah ka Iibiyay Amxaarada Itoobiya welina la la'yahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen sidaasi darteedna ladoonayay in umadda laga hor leexiyo shartiisa sida lagu sheegay warka kasoo baxay taliska ciidanka Shabaabul Mujaahidiin.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...