Sunday 5 February 2012

Baarlamanka Somaliland oo Markii u Horreysay isku Raacay Xeer Xukuumadda u Fasaxaya Ka Qeybgalka Shirarka Soomaalida

Hargeysa(RBC) Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanka (Guurtida iyo Wakillada) maamulka Somaliland, ayaa fadhi wada-jira oo ay maanta ku wada yeesheen xaruntooda magaalada Hargeysa, ku ku meel-mariyey in Xukuumaddu ka qaybgasho shirka arrimaha Soomaaliya laga hadlayo ee 23-ka bishan lagu qabanayo magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Fadhiga ay labada gole ee Guurtida iyo Wakiilladu maanta yeesheen oo uu Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), ayaa sidoo kale lagu ansixiyey wax ka beddal iyo kaabis lagu sameeyey Xeer 2004-tii ay ansixiyeen labada gole oo dhigayey Siyaasiga, Siyaasiyiinta, madax-dhaqameedka iyo masuuuliyiin Somaliland ka tirsani haddii ay ka qaybgalaan waxay noqonayaan dembiilayaal.
Waxa ka beddelka Xeerkan oo uu Madaxweynaha Somaliland dalbaday shalay, ka dib markii uu kulan qado ah la yeeshay shalay shir-guddoonka iyo Xildhibaannada labada Gole, waxaana beddalka xeerka lagu kordhiyey in Xukuumadda Somaliland ka qaybgeli karto shir kasta oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo aan gooni-isu-taagga Somaliland ka horimanayn, isla markaana saamayn ku lahayn dastoorka ay Somaliland samaysatay.
Meel-marinta ama ansixinta qodobbadaas iyo Safarka Xukuumadda ka hor waxa fadhiga labada gole hortagay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Xildhibaannada labada gole warbixin faahfaahsan ka siiyey ajandayaasha Shirka 23-ka bishan lagu qaban doono magaalada London ee ay dawladda Ingiriisku waddo, isla markaana lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo qaabka ay Somaliland uga qaybgalayso, waxaanu halkaa kaga jawaabay Wasiirku su’aalo badan oo ay Mudanayaal labada aqal ee Baarlamanka ka tirsan oo ku saabsanaa shirkaas iyo arrimaha la xidhiidha.
“Mudanayaasha oggol in wax ka beddalka iyo kaabista Xeerka ee ah in Xukuumadda Somaliland ka qaybgali karto shir kasta oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo aan ka hor imanaynin qarannimada, jiritaanka, gooni-isu-taagga iyo Dastoorka Somaliland, iyo qodobka ah inay Xuxuumadda Somaliland ka qaybgasho Shirka London lagu qabanayo 23-ka bishan Xilhibaannada oggoli gacanta ha taagaan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed (Cabdiraxmaan-Cirro).
Waxa markaa ka dib bilaabmay cod gacan-taag ah oo ay Xildhibaannada labada gole bilaabeen, waxa labadaa qodob oggolaaday 101 Xildhibaan, waxa diiday 3 Mudane waxaana ka aammusay  4 Xildhibaan, Gudoomiyuhuna muu codayn sidaas ayaanu go’aankaasi ku ansaxay sida uu Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro fadhigaa kaga dhawaaqay. “Waxaynu ku dhawaaqaynaa natiijadii codaynta, 101 Xildhibaan ayaa oggolaaday, 3 Xildhibaan way diideen, 4 Mudane ayaa ka aammusay, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidas ayaanay labadaa qodob ee wax ka beddalka iyo tagista Xukuumadda ee London, fadhiguna wuu xidhan yahay.” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee Xukuumadda Golayaasha sharci-dejinta, Xisbiyada iyo Ururrada siyaasadda Somaliland ay si isku mid ah isugu raacaan in shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaliya ay cid Somaliland metalaysaa si toosa uga qaybgasho.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...