Wednesday 1 February 2012

Ciidamada Ethiopia oo Maanta Dad Rayid ah oo ay ku Jiraan Arday iyo Macalimiin ku Xasuuqay Beledweyne


Share
Muqdisho (RBC) Ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta magaaladaasi ku laayey illaa 8 ruux oo rayid ah oo ay ka qabqabteen gudaha magaalada.
Qabqabashada dadkan ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii saaka labo qarax ciidamada Ethiopia lagula beegsaday agagaarka Buundo Koowaad ee bartamaha magaalada Beledweyne.  Qaraxaasi oo tiro badan oo askarta Ethiopian-ka ay ku dhinteen.
Qaraxyadaasi ka dib ayaa ciidamada Ethiopia waxay bilaabeen inay rasaas ku furaan xaafadaha magaalada, waxayna sidoo kale magaalada kula dhaqaaqeen baaritaano iyagoo dad u badan dhalinyaro soo qabqabtay.
Dadka la soo qabtay oo ay ku jireen arday iyo macalimiin dugsiyo Quraan ayaa markii dambe ciidamadu ku toogteen meel u dhow wabiga dhex mara magaalada.
Qof degan Beledweyne oo aan rabin in magaciisa la faafiyo ayaa RBC Radio u xaqiijiyey in dadka la toogtay ay ku jirtay haweeney da’ ah oo xaafada Nuur-Xawaad laga soo qabtay.  Sidoo kale labo macalin Quraanayaa ku jiray dadka ay maanta toogteen ciidamada Ethiopia.
Afhayeenka maamulka Dooxada Shabeelle Maxamed Nuur Cagajoof oo aan la xiriirnay ayaa diiday inuu ka hadlo dhacdada maanta ka dhacday Beledweyne.
Xaalada magaalada ayaa maanta cakiran iyadoo guud ahaan dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo gaadiidka ee magaalada uu joogsaday.  Waxaana xirmay dhamaan xarumaha waxbarashada gaar ahaan dugsiyada Quraanka ka dib markii ardayda iyo macalimiinta ay soo foodsaartay cabsi xoogan.
Dilka maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa noqonaya kii labaad ee ciidamada Ethiopia in ka yar saddex toddobaad ka geystaan magaalada Beledweyne, waxayna saddex usbuuc ka hor ciidamada Ethiopia ku dileen magaalada 7 ruux oo dhalinyaro ka dib qarax ismiidaamin oo magaalada lagula beegsaday.
Illaa hadda DKMG ah ayaan ka hadlindhibaatada rayidka loogu geystay magaalada Beledweyne maanta.




RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...