Wednesday 1 February 2012

Ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG oo Qabsaday Hoosingow, Badhaadhe oo Laga Barakacayo


Share
Nairobi (RBC) Ciidamada DKMG Soomaaliya ee lagu soo tababaray Kenya oo ay gadaal ka joogaan kuwa Kenya ayaa galabta la wareegay deegaanka Hoosingow oo ka tirsan koonfurta gobolka Jubbada Hoose.
Deegaanka Hoosingow waxaa gacanta ku hayey ciidamada Al-Shabaab.  Waxaana qabsashada maanta ay ka dambeysay ka dib markii duqeyn dhanka hawada lagu sameeyey deegaanka.
Afhayeen u hadlay militariga Kenya ayaa sheegay in magaalada Hoosingow ay gacanta ku dhigeenciidankooda iyo kuwa DFKMG ah ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Al-Shabaab ay ka carareen magaalada.
Sarkaal ka tirsan ciidamada DKMG oo magaciisa ku soo koobay C/risaaq ayaa Shabakada Raxanreeb u sheegay in qaarka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku dhinteen duqeyntii maanta ka dhacday Hoosingow.
Weli ma cada hasaaraha dagaalka maanta ka dhashay ee ka dhacay deegaanka Hoosingow. Hase yeeshee dadka fara ku tiriska ah ee  deegaanka ku sugan ayaa sheegay in dhimasho iyo dhaawac ay jiraan.
Dadka ayaa sheegaya in diyaaradaha Kenya ay si xun u duqeeyeen magaalada ka hor intii aysan si toos ah u qabsan.
Dhanka Al-Shabaab kama hadlin in Hoosingow laga qabsaday iyo in kale.
Deegaanka Hoosingow oo dad beeraley ah ay deganaayeen ayaa bishii la soo dhaafay bartilmaameed u ahaa diyaaradaha Kenya, iyadoo labo jeer duqeynta halkaasi ka dhacday ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux oo rayid ah. 
Dhanka kale dadka ku nool degmada Badhaadhe oo 180 KM u jirta magaalada Kismaayo ayaa bilaabay maanta inay ka qaxaan magaalada iyagoo u firxanaya dhanka Kismaayo si ay uga badbaadaan duqeyn laga cabsi qabo in magaalada ay u geystaan diyaaradaha Kenya oo ku raadjooga ururka Al-Shabaab.
Badhaadhe waxay hadda gacanta ugu jirtaa Al-Shabaab.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...