Sunday 5 February 2012

DEG DEG: Gudoomiyihii Xaafada Israac ee Gaalkacyo oo Caawa lagu Dilay Gaalkacyo

Gaalkacyo (RBC) Rag hubeysan oo aan la garan ayaa caawa toogtay gudoomiyihii xaafada Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamed Cabdulle.
Allah ha u naxariistee C/raxmaan Maxamed Cabdulle ayaa lagu dilay agagaarka xarunta Jaamacada Bariga Afrika ee magaalada Gaalkacyo xilli uu ku sii jeeday gurigiisa waxyar ka dib Salaadii Cishaha ee caawa [waqtiga Soomaaliya].
Goobjoogayaal ayaa Raxanreeb u sheegay in dilka ay gesyteen rag bastoolado ku hubeysan kuwaasoo goobta ka baxsaday markii ay falka dilka geysteen.
Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Jaamac oo ay Raxanreeb la xiriirtay ayaa sheegay in ciidamada amaankaay caawa bilaabeen baaritaan ku aadan dilka inkastoo aaney jirin cid loo qabtay dilkan.
Dilka gudoomiyaha xaafada Israac C/raxmaan Maxamed Cabdulle ayaa yimid iyadoo gudoomihii isaga ka horeeyay ee xaafada Israac Axmed Cismaan isaguna bishii Agoosto ee sanadkii tegey lagu dilay isla Gaalkacyo.
Maamulka gobolka Mudug ma jirto cid ay ku eedeeyeen dilkan caawa ka dhacay Gaalkacyo.



RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...