Wednesday 1 February 2012

Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Qarax Saaka Ka Dhacay Magaalada Beladweyne


Share
Beladweyne (RBC) Inta la ogyahay afar qof oo dhamaantood ah rayid ayaa ku dhintay tira kalena waa ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Beladweyne ka dib markii saaka miino nooca dhulka la galiyo lala eegtay booyad nooca biyaha qaaday oo ay lahaayeen ciidamada Itoobiyanka.
Dad ku sugan magaalada Beladweyne ayaa u sheegay RBC Radio labo ka mid ah dadka dhintay in ay kala yihiin haweeney goobta ku sugneyd iyo macalin ka tirsan dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Beladweyne.
Qaraxa markii uu dhacay ciidamada Itoobiya  iyo kuwa dooxada shabeelle waxa ay bilaabeen baaritaano iyagoona gudaha ugalay xaafadaha ku yaala Buundada waxana la sheegayaa in la soo qabtay dhowr qof kuwaas oo hadda su’aalo la weydiinaayo saldhiga Beladweyne.
Qaraxan wuxuu ugu dambeeyay qaraxyo ka dhacaayay magaalada tan iyo markii Belaweyne qabsadeen ciidamada dowladda taabacsan iyo kuwa Itoobiyaanka, waxana la sheegayaan dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga in uu hakad galay.
Magaalada bandow ayaa ka jiray tan iyo markii bishii la soo dhaafay weerar ismiidaamin ah lagu qaaday Hotelka Madiina oo ay ku sugnaayeen ciidamo Itoobiya iyo kuwa dooxada shabeelle,
Ciidamada Itoobiya inta badan ma sheegaan qasaaraha ka soo gaara qaraxyada lala eegto manna lahadlaan saxaafada taas oo ah caado ay lee yihiin ciidamada Itoobiya.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...