Wednesday 1 February 2012

Faahfaahin: Wiil Doonayey inuu Isqarxiyo oo Lagu Dhex Qabtay Garoonka Muqdisho


Share
Ismaaciil Axmed Yuusuf (Sawirkan waxaa faafiyey nabadsugida DKMG ah)
Muqdisho (RBC) Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa wiil dhalinyaro ah oo shalay subax ciidamada nabadsugida DKMG ka qabteen gudaha garoonka diyaaradaha Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho.
Wiilkan oo hay’adda nabadsugida shalay soo bandhigtay ayaa laga qabtay qeybta dadka dhoofayaasha ay ka baxaan ee garoonka gudihiisa halkaasoo aan la ogeyn sida uu ku galay.
Dad ka warhayey ninkan ayaa la sheegayaa inay ku wargeliyeen nabadsugida ka dibna waxaa qabtay ciidan nabadsugida ka tirsan oo u kexeeyey mid ka mid ah xarumahooda.  Sidoo kale ciidamada AMISOM qeybta qaraxyada baarta ayaa qeyb ka ahaa qabashada ninkan.
Hay’adda nabasugida ayaa soo bandhigtay xog ku saabsan wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Axmed Yuusuf, waana 20 jir.
Sida saraakiisha nabasugida sheegeen wuxuu wiilkan raadinayey qaab uu iskula qarxiyo madaxda DKMG ah ee ka dhoofta garoonka, xilliga la qabtayna ma uusan wadan wax qarax ah.
Ismaaciil oo hay’adda wareysi la yeelatay ayaa laga soo xigtay in Al-Shabaab ay soo bareen isqarxinta uuna aaminsanaa in wadada kaliya ee janada lagu galo ay sidaasi tahay.
Nabadsugida waxay kaloo shalay qabatay gari dameer laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo ku sugnaa degmada Xamarweyne, taasoo la aaminsan yahay in xogteeda uu wiilkan bixiyey.
Wararka qaar ayaa sheegaya in wiilka la qabtay uu sitay kaamirad nooca digital-ka ee wax lagu sawiro.
Dadka qaar ayaa isweydiinaya sida ay wiilkan yar ugu suurtagashay inuu gudaha u galo garoonka diyaaradaha oo amaankiisa ay sugaan ciidamada AMISOM.
Ismaaciil Axmed Yuusuf oo hay'adda nabadsugida sheegtay inuu isqarxin rabay
Sawirada ninka la qabtay ayay soo bandhigtay hay’adda nabadsugida.
Qaraxyada ismiidaaminta ayaa waayadan dambe aad ugu yaraaday Muqdisho tasoo loo aaneynayo hawlgalada ciidamada sirdoonka oo sare loo qaaday iyo xogta ay dadka siiyaan nabadsugida oo korortay ka dib markii dadweynaha loo sameeyey telefoono ay soo wici karaan haddii ay arkaan waxyaabo halis ah.
Dhanka Al-Shabaab kama hadlin in ninka la qabtay uu iyaga ka tirsanaa iyo in kale.
Laakiin Inta badan Al-Shabaab waxay qaraxyada ismiidaaminta u adeegsadaan dhalinyaro aad u yar yar da’ ahaan kuwaasoo ay ku sheegaan inay naftooda hurayaal yihiin, waxaana ugu dambeeyey ninkii shalay [Talaadadii] isku qarxiyey guriga Cabdi Qeybiid ee magaalada Gaalkacyo oo uu fuliyey nin dhalinyaro ah, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Al-Shabaan.
Ma cadda sida dhalinyarada loogu qanciyo inay naftooda dilaan iyagoop miino jirkooda ku xiraya.




RBC Radio
Xafiiska wararka Nairobi

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...