Saturday 25 February 2012

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Madaxda Soomaaliyeed

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Madaxda Soomaaliyeed  


Sabti, February 25, 2012(HOL): Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ayaa xaflad soo dhaweyn u sameeyay madaxda Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.  Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay dadweyne aad u faro badan oo ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee Britain.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali, qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda sida Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Howlaha Guud, Warfaafinta iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan iyo sidoo kale madaxweynayaasha maamullada Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, iyo Galmudug Maxamed Axmed Caalin, iyo madaxda Ahlu Sunna waljameeca.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa khudbad ka jeediyay Munaasabadda, wuxuuna khudbaddiisa ku sheegay in dadka Soomaaliyeed ee gudaha Soomaaliya ku dhaqan, gaar ahaan caasimadda Muqdisho ay mugdigii, rajo-xumadii jahligii, xaasidnimadii, qabiilkii ay ka baxeen, isagoo caddeeyay in Soomaalida looga baahan yahay in ay mugdiga ka baxaan.


“Waxaa daliil u ah qabiil la idinkuma soo abuulin, waxaad isugu timaadeen calankan buluugga ah ee xiddigta 5-ta gees leh, qabiil waxba nooma tarayo waa isku keen diray mooyee”ayuu yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarzan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa wuxuu Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK u jeediyay dardaaran aad muhiim u ahaa.

“Waxaan idinkula dardaarmayaa dadka idin ammaan-geliyay, idin dejiyay, caruurtiinana wax baray gacanta idin siiyay nabadgeliya,  caruurtiisana ilaashada, idinkuna midooba oo meel isku wada raaca”ayuuna yiri C/raxmaan Faroole

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo munaasabadda a hadlay ayaa ugu horreyn Jaaliyadda Soomaalida uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen, isagoo kaddibna ka hadlay dhinacyada Siyaasadda, amniga, dib u heshisiinta, horumarinta waxbarashada iyo  dib u dhiska dalka, wuxuuna ugu baaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed in ay arrimahaasi dhammaantood gacan ka geystaan.


Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa  sidoo kale uga warbixiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed guulaha ay dowladda ka gaartay howlgallada dalka looga xoreenayo kooxda Al-Shabaab ee Al-Qaacidda.

Madaxweynaha ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed u sheegay in dowladda ay si weyn wax uga qabatay, abaarihii dalka ka dhacay iyo horumarinta waxbarashada iyadoo kaashaneysa qaar ka mid ah dalalka caalamka, waxaana hadda la joogaa ayuu yiri madaxweynaha xilligii laga bixi lahaa fowdada.

Mar uu madaxweynaha ka hadlayey qorshaha siyaasadeed ee looga gudbayo marxaladda kala guurka  ayaa wuxuu ka warbixiyey wadiiqada loo marayo qorshahaasi.


Madaxweyne  Shariif, waxa uu ka codsaday jaaliyadda Soomaaliyeed iney dhammeystiraan howlaha dib u dhiska oo ay ka billaabeen gudaha dalka, gaar ahaan,waddooyinka, goobaha caafimaadka iyo goobaha waxbarashada, wuxuuna dhinaca kale ugu baaqay iney dhaqaale ku bixiyaan agoonta Soomaaliyeed iyo ciidammada Qalabka Sida.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa ugu baaqayJaaliyadda dalka Ingiriiska in ay dhinacooda ka hirgeliyaan qorshaha ay muddooyinka dowladda ka waday gudaha dalka kaasoo ah Is dhexgalka Bulshada si loo helo bulsho caafimaad qabta.

Xafladda soo dhaweynta ah ee xalay London loogu sameeyay wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay noqoneysaa tii labaad ee ay Jaaliyadda UK u sameyso Madaxweynaha Soomaaliya tan iyo markii xilka Madaxweynenimada loo doortay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...