Monday 6 February 2012

Kenya Oo Sheegtay In Ay Ku Wajahan Tahay Magaalada Kismaayo

Nairobi (RBC) Afhayeenka Ciidamada Militariga Kenya Emmanual Chirchir oo war kuu soo qoray boggiisa Twitter-ka wuxuu ku shegay in ciidamada Kenya ay hadda ku wajahan yihiin magaalada dekadda leh ee Kismaayo halkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Mr. Chirchir  ayaa sheegay mar hadii ay la wareegeen deegaano badan oo ka mid ah gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ay iminka ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka jubadda Hoose
Wuxuu sheegay in dhul badan ay ka qabsadeen Al-Shaabab kuwaas oo ugu dambeeysay degmada Badhaadhe 180km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.
Dhinaca kale Afhayeenka dhinaca howlgalada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa u sheegay Idaacaddaha maxaliga in dagaalo ka dhacay deeganka qooqaani ay guulo kaga gaareen ciidamada Kenya iyo dowladda.
Wuxuu sheegay in askar ay dileen hubna ay soo furteen.
“Cid kasta dagaalka waa in ay wax kasta oo karaankeeda kaga qeyb qaadataa haddii ay ahaan lahayd in ay ka qeyb galaan ama ay u soo duceeyaan mujaahidiinta,” ayuu yiri Abuu Muscab.
Al-Shabaab ayaa hadda ka bilaabay gobalada ay ka arrimiyaan in ay ka qoraan dadka ka qeyb gala dagaalada ay kula jiraan ciidamada dowladda, AMISOM, Kenya iyo kuwa Itoobiya, waxana hadda ku furmay dagaallo dhowr waji.
Ma sheegin qasaaro ka soo gaaray dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Jubooyinka iyo Gedo halkaas oo goobo badan looga qabsaday.
Ciidamada Kenya oo soomaaliya soo gala bishii October sanadkii horre ayaa hadda dhowr deegan qabsaday kuwaas oo ay horrey uga arriminaayeen Al-Shabaab.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...