Sunday 5 February 2012

Labo Kaalin Shidaal oo Boorame ku Shuf-beelay

Facebook Recommendations

Share
Boorama (RBC) Laba ka tirsan Kaalmaha Shidaalka magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa caawa gabbal-dhicii dab qabsaday, isla markaana shuf-beelay amaba uu dabkaasi baabi’iyey.
Labadan Kaalmood oo kuwa shidaalka iibiya ah ayaa ku yaallay meel u dhaw Dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Cabdiraxmaan ee magaalada Boorama, waxaana lagu soo warramayaa inay gebi ahaanba dambas noqdeen oo ay baabbe’een, ka dib markii fiidkii caawa uu dab qabsaday, kaasoo aan la garanayn illaa hadda waxa uu ka dhashay, hase ahaatee ay ciidammada ammanku sheegeen inay baarayaan sababta dabkaasi dhalisay.
Dabka ayaa la sheegay inuu labadaa kaalmood oo isku ag-yaallay qabsaday markay saacadda Afrikada Bari ahayd abbaaro 5:50 (shantii iyo konton daqiiqo) sida ay dad goob-joogayaal ahi u sheegeen RBC Radio. Waxaanu warku intaa ku daray in khasaare badan oo maaliyadeed uu dabkaasi baabbi’iyey.
Sidoo kale waxa halkaa ku dhaawacmay qaar ka mid ah dadka gurmadka u tagay goobtaas si ay uga qaybqaataan bakhtiinta dabkaas oo ahaa mid xoog badan oo Ololkiisu sakadda ay kaalmahaasi ku yaalleen hadheeyey, iyada oo aan lagu guulaysan in la bakhtiiyo awoodda dabka oo badnayd awgii.
Duqa magaalada Boorama ahna Guddoomiyaha Golaha degaanka degmada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bille, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dawlad hoose ahaan gurmad xooggan ka galeen sidii dabkaa loo bakhtiin lahaa caawa, hase ahaatee ay ku guulaysan waayeen inay intii badnayd badbaadiyaan hantidii meeshaa taalay, marka laga reebo qayb yar oo kooban oo ay aakhirkii bakhtiiyeen.
Taliyaha Booliska gobolka Awdal Cabdi Barre (Arraweelo), oo isaguna saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inaanay wakhtigan sheegin karin baaxadda khasaaraha ka dhashay dabkaas iyo waxa sababay toona, hase ahaatee, waxa uu Taliye Arraweelo xusay inay ciidanka ammaanku gacanta ku hayaan baadhista sababta uu dabkaasi ku yimi iyo khasaaraha uu geystay. Isla markaana, ay gadaal ka soo bandhigi doonaan markay baadhistooda dhammaystaan ciidanka ammaanku.
Dhinaca kale, dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama ee ka qayb-qaatay gurmadka loogu jiray bakhtiinta dabkaas, ayaa dawladda hoose ee magaalada ku eedeeyey inay ka gaabisay Dab-damis ay ku badbaadiso khataraha dabka ka dhashay, iyada oo aan magaalada Boorama lahayn hal Dab-damis oo loo adeegsado bakhtiinta meelaha dabku qabsadan sidan oo kale, iyaga oo tilmaamay dadku inay guul-darrada bakhtiinta dabkaas ay qayb ka ahayd in dab-damis la’aanta halkaa ka jirta.
Waa markii ugu horreysay ee dab sidan u halis badani ka kaco gudaha magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Inta badan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaan lahayn Dab-damisyo ka hawlgala khataraha dabka oo mar walba la soo sheego inuu guri ama goob ganacsi gubay. iyada oo dubku had iyo jeer ka dhasho xadhkaha korontada, dabka wax lagu karsado iyo waxyaabo la mid ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...