Monday 6 February 2012

Madaxweynaha Somaliland oo u dhoofay dalka Ethiopia iyo raysul wasaaraha Ethiopia oo wadahadal u furaya maamulada Somaliland iyo Khaatumo State




Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow xukuumadda Ethiopia waxaa toddobaadkan lagu wadaa in magaalada Addis Ababa uu ka furmo shir lagu dhex dhexaadinayo maamulada Somaliland iyo Khaatumo State oo dhowaan dagaal ku dhexmaray degmada Buuhoodle.
Raysul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa ku martiqaaday dhinacyada Somaliland iyo Khaatumo State inay isugu yimaadaan Addis Ababa si loo wada hadalsiiyo.

Dhanka Somaliland waxaa kulanka uga qeybgalay madaxweyne Siilaanyo iyadoo maanta wefdi uu hogaaminayo Siilaanyo ka dhoofeen garoonka diyaaradaha Hargeysa.
Dhanka maamulka cusub ee Khaatumo State oo dhowaan looga dhawaaqay magaalada Taleex ayaa iyaguna waxaa shirka uga qeybgalaya Dr. Cali Khaliif Galayr oo horey raysul wasaare uga soo noqday DKMG ah ee Soomaaliya.
Maanta waxaa Addis Ababa gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland waxaana safarkiisa ku wehlinaya dhowr wasiir oo ka mid ah xukuumadiisa.
Warar naga soo gaaraya Addis Ababa ayaa sheegaya in Cali Khaliif Galayr iyo xubno ka socda maamulka Khaatumo ay iyaguna horey ugu sugnaayeen Addis Ababa.
Muqdisho-Somaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...