Monday 6 February 2012

Maxamed Cabdil Kaliil: “Shabaab Jab aysan ka soo kabsan ayaan gaarsiin doonaa”


Published on February 5, 2012 by Feysal   ·   No Comments  ·   1,715 views Maamulka gobolka Gedo gobolka ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen diyaar gorowgii ugu danbeeyay ee loogu jiray in Al-Shabaab laga xoreeyo qeybaha gobolkaasi ay uga harsan yihiin.
Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen diyaar gorow xooggan oo ay ugu jireen sidii guud ahaan gobolkaasi looga xoreen lahaa malleeshiyaadka Al-Shabaab, isagoo intaa raaciyay in ciidammada dowladda ay u diyaarsan yihiin la dagaallanka Shabaab iyo Ajaanibtooda.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in inta badan ay gacanta ku hayaan gobolka Gedo, Shabaabna ay in yar uga sugan yihiin, goor dhowna ay ku qaadin doonaan guluf dagaal oo Shabaab ku noqon doono midkii ugu xoogganaa ee lagu gaarsiiyo Jab aysan ka soo jabsan kooxda.
Maxamed Cabdi Kaliil guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa hoosta ka xariiqay in kooxda Shabaab aysan ku dhiiran Karin in ay ku sii sugnaato gobolka Gedo maadaama marar badan Jab loogu geystay.
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...