Thursday 2 February 2012

Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK Oo Soo Gaaray Muqdisho


Share
Muqdisho (RBC) Waxa goordhaweed magaalada muqdisho soo gaaray wafdi uu horkacaayo xoghayaha arrimaha dibadda UK William Hague kaa oo hadda ku sugan xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Mr. Hague iyo wafdiigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,waxana halkaas ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim.
Wasiirka iyo wafdiga la socda waxa ay kulamo kula lee yihiin carunta madaxtooyada madaxweynaha soomaaliya iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada XKMG ah.
Manna jirro wax war ah oo uu saxaafadda illaa hadda siiyay wasiirka arrimaha dibadda UK William Hague,
Aamaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay in kastoo wax saameen ah ku yeelan booqasha Mr. Hague uu maanta ku soo gaaray magaalada muqdisho dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadidka.
Booqashada uu ku yimid wasiirka arrimaha dibadda UK maanta muqdisho waxa ay la xiriirtaa shirka Londan ka dhacaya bishan 23-keeda oo looga hadlaaayo arrimaha Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Briton iyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa marka uu soo dhamaado kulankooda in ay qabtaan shir jaraa’id oo ay kaga hadlayaan waxyaabaha ay ka wadahadlen.
Waa masuulkii ugu sareeyay ee ka socda dowladda UK ee soo booqda Muqdisho tan iyo burburkii dalka soomaaliya 1991-dii
Naga filo goordhow faahfaahin iyo sawiro in shaa allah.
RBC Radio
———————-
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...