Wednesday 28 March 2012

Al-Shabaab: 15 Sarkaal oo Sirdoon Ayaan ku Dilnay Muqdisho Waana Sii Wadeynaa Dilalka

Muqdisho (RBC) Sarkaalka ururka Al-Shabaabu qaabilsan gobolka Banaadir Sheekh Maxamed Xasan (oo Shabaabka ugu yeeraan Abuu C/raxmaan) oo idaacadda Al-Shabaab ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday inay iyagu masuul ka yihiin dad kor u dhaafaya 15 ruux oo toddobaadyadii la soo dhaafey lagu dilay degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho kuwaasoo isugu jira askar iyo dad rayid ah.
Abuu C/raxmaan ayaa sheegayin dad iyaga u adeega oo ku sugan Muqdisho ay u fududeeyaan dilka dad uu ku sheegay “kuwa waxdhiba” oo uu ku sifeeyey askarta nabadsugida DKMG ah.
“Usbuucyadii la soo dhaafay illaa 15 saraakiil iyo askarta jawaasiista ayaa noo suurta gashay inaan ku khaarajino gudaha Muqdisho” ayuu yiri isagoon sheegin in dad rayid ah ay dileen.
Wuxuu kaloo sheegtay in afar jeer weeraro loo adeegsaday hoobiyaal ay ku qaadeen xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Maxamed Xasan (Abuu C/raxmaan) wuxuu ku goodiyey inay sii wadi doonaan dilalka qorsheysan ee ay ka wadaan magaalada Muqdisho.
Hadalkiisa wuxuu imaanayaiyadoo toddobaadyadii u dambeeyey degmooyinka magaalada Muqdisho qaarkood ay ka dheceen dkilal qorsheysan oo loo geystay dad isugu jira askar iyo rayid.



RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...