Friday 9 March 2012

Ciidamada Maamulka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Weriye ka Hawlgala Laascaanood

Ciidamada Somaliland ayaa abaarihii 11:00 Am subaxanimo jeelka u taxaabay weriye ka hawl gala warbaahinta madaxa banaan ee Gobolka Sool.
Weriyahan oo magiciisa layidhaahdo Caynaanshe Khaliif Iimaan ayaa muddo dheer uga hawl galayey shabakadda wararka ee Dhanbaal.com, iyadoona weriye Caynaanshe xiligaasi marayey wadada laamiga ah ee magaalada Laascaanood, isla mar ahaanta la socday wiil ay saaxiiba yihiin, iyagoona kusii jeeday Jamaacada nugaal oo ay wada dhigtaan Weriye Caynaanshe iyo wiilka ay saaxiibaha yihiin.
Hadaba ciidanka Somaliland oo wata gaadhi nooca Land cruiser Vx ama Layli calaawe ayaa si kadisa waxaa mar qudha lagu horgoostay gaadhigii, iyadoona laba kamid ahi ciidanka Somaliland ay qoryo ku qabteen, isla mar ahaan taana iyagoon ka hadlin si khasaba ku saaray gaadhigii ay wateen.
Ciidanka weriye Caynaanshe jeelka u taxaabay ayaa la sheegay in ay si xun ula dhaqmeen, isla mar ahaan taana jidh dil iyo han dadaad ugaystay weriyaha.
Dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa ka xumaaday xidhista weriye Caynaanshe, iyagoona dadka qaarkood ay sheegeen in weriyaha loo xidhay tabinta banaan baxyo ka dhacay gudaha magaalada laascaanood oo ciidamada maamulka Somaliland ay rasaasay nayaan dadka banaan baxaya.
Weriyaasha ka hawl gala gudaha magaalada Laascaanood ayaa aad uga xumaaday xadhiga loo gaystay weriye Cynaanshe, iyadoona maalmihii ugu dambeeyey ay han jabaado iyo digniini culus ay kusoo rogayeen maamulka Somaliland weriyaasha ka hawl gala magaalada Laascaanood.
Han jabaadada kasoo baxaya maamulka Somaliland ee haatan ka taliya magaalada Laascaanood ayaa cirka isku sii shareeraya, iyadoona haatan baadi goob weyn ay ugu jiraan qaqabasha iyo xidhista weriyaasha ka hawl gala warbaahinta madaxa banaan ee Gobolka Sool, iyagoona ugu hanjabay in ay xidhayaan ama ay dilayaan, mana jirto cid kahadasha dhibaatooyinka lasoo gud boonaada weriyaasha ka hawl gala Gobolka Sool.
Sababtuna ay tahay in maamulka Somaliland uu mar naba raali ka ahayn xaqiiqada loo la sheego, iyadoona taas weriyaashu ku mutay sanayaan xadhig iyo jidh dil ka dhan ah xuquuqda aadamaha.
RBC Radio
Laascaanood
Weriye:- Abdirahman Wadani
Email:- Axmedyare1001@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...