Sunday 4 March 2012

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Ka Warbixiyay Qalab Loogu Deeqay Gobalka

Muqdisho (RBC Radio) Guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa Muqdisho oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa faahfaahin ka bixiyay deeqo loogu talo galay magaalada Muqdisho oo isugu jira gaadiid gurmadka Caafimaadka ah iyo dab damisyo.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo saxaafada kula hadlay magaalada  garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay shirkii London ka dib inuu ku jiray dadaal ah sidii wax loogu qaban lahaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Duqa magaalada Lister ee wdanka England ayuu sheegay gudoomiyaha gobalka Banaadir in uu ugu deeqay magaalada Muqdisho Laba Dabdamis iyo gaadiid kale oo Ambalaas ah.
Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed nuur tarsan ayaa carabka ku dhuftay in qalabkaas iyo waliba gaadiidkaasi ay dhowaan imaan doonaan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Tarsan ayaa tilmaamay in maamulkiisu uu aad ugu dadaalayo sidii ay u soo nooleeyn lahaayeen adeegyadii muhiimka ahaa ee magaalada  Muqdisho.
Dhanka kale wuxuu rajo wanaagsan uu ka muujiyay in caasimada Muqdisho ay la mid noqoto caasimadaha caalamka oo kale isla markaana dadka Muqdisho ay helaan Nolo wanaagsan.
 
 RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...