Wednesday 14 March 2012

Hala Xasuuqo Absame:Dagaal-Ooge Cabaas Gureey Oo Xasuuq Ba*An Ka Geystay Tuulada Dhuyac-Garoon Ee Gobolka J/Dhexe

Hala Xasuuqo Absame:Dagaal-Ooge Cabaas Gureey Oo Xasuuq Ba*An Ka Geystay Tuulada Dhuyac-Garoon Ee Gobolka J/Dhexe
Written by Administrator   
Wednesday, 14 March 2012 14:24




(Marxuum Nabadoon Sugaal Guudle iyo dad shacab ah oo lagu xasuuqay Tuulada Dhuyac-Garoon ee Gobolka Jubada Dhexe ka tirsan)

Waxaa 07-02-2012 weerar arxan darra ah oo geystay khasaare nafeed oo dad shacab ah loo gaystay iyo dhaawaca qaar kale ay ciidan uu hogaaminayo Sarkaal shaatiga Dawladda KMG-ah ku qaraabanaya  tuulada Dhuyac-Garoon oo ka tirsan dagmada Salagle ee gobolka J/dhexe,sarkaalkan xasuuqa ka geystay tuuladan,ayaa lagu magacaabaa Cabaas Ibraahim Gureey,wuxuuna udhashay Jufadda Talxe ee Beesha Sade-Daarood,lamana yaqaan sabata uu falkan beni-aadanimadda ka baxsan ugu dhaqaaqay,ninkan shaarka dawladda wasaqeeyay,waxaana arin laga murugoodo inuu ninkan ku dhawaaqayay,ereyo ay ka mid yihiin (Hala Xasuuqo Absame)

Ciidanka weeraray tuuladaas oo ay dad shacab ah degan yihiin ayaa sidoo kale laga burburiyay taangiyada biyaha oo ay dadka degaanka ku noolaayeen maadaama aysan tuulada lahayn ceel biyoodyo,Gaboodfalada kale ee ay ciidankaasi ka gaysteen tuulada Dhuyac-garoon ayaa waxaa ka mid ah ayaga oo ka boobay dadkaas raashin mucaawina ahaan dadkaasi loogu geeyay iyaga oo goobihii ganacsiga ee tuulada boob u gaystay sidoo kalena burburiyay isgaarsiintii degaankaas.
Weerarka ayaa dhaliyay dhimashada mid ka mid ah oday dhaqameeyada degaanka oo lagu magacaabi jiray NABADOON SUGAAL GUUDLE kaasoo la sheegay in rasaata hubka culus lala dhacay xili uu ku sugnaa gudaha tuulada,

Nabadoonka ayaa u fadhiyey tacsi uu ku waayey laba wiil oo uu dhalay kuwaasoo muddo yar ka hor ku dhintay jiidda hore ee dagaalka lagula jiro shabaab ayagoo ka tirsanaa ciidanka TFG ga,waana nasiib darro in meeshii uu ka sugayey tacsi iyo taageero in si fool-xun ay u dilaan rag ku labisan dreskii dowladda ee wiilashiidu naftooda ku waayeen,sidoo kale ayaa waxaa halkaas lagu dhaawacay nin kale.

Ciidanka dhibaatada ka geeystay tuulada Dhuyac-Garoon ayaa waxaa hogaaminayay Cabaas Ibraahim Gureey oo ka mid ah ciidanka DFKMG ee ka howl-gala Jubooyinka iyo Gedo,kaasoo watay ciidan soocan oo hal beel ah kana soo duulay Ceel-waaq.Hadaba kulamo isdaba joog ahaa oo ay yeesheen waxgaradka, aqoonyahanka, qurbajoogta iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Absame ee Jubooyinka kuna aadanaa falkaas lagula kacay qeyba ka mid shacabka Jubooyinka ayaa laga soo saaray dhaleeceyn dhibaatada loo gaystay dadka rayidka ah ee aa waxba galbsan, Waxgaradka Beesha Absame oo kulamadooda ay ka dhaceen meela badan oo guddaha dalka iyo dibadiisa ah ayaa ku micneeyay falkaas mid arxan dara ah kana fog Islaanimada iyo daris wanaaga bulshada Somaliyeed ee ku wada nool Jubooyinka iyo Gedo.

Cambaarayntan ay soo saareen wax garadka beesha Absame ee ku aadan falka ka dhacay tuulada Dhuyac-Garoon ayeey sheegeen in DFKG ay masuuliyada weerarkaasi qeyb weyn ka lahayd maadaama ay ciidankaasi ku howl galaan awaamiirta DFKG kana tirsan yihiin ciidankeeda,

Waxgaradkan ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin dhibaatada lagula kacayo shacabka ayna keeni karto isku dhacyo beeleed iyo kuwa dhex mara ciidamada DFKG ah ee jubooyinka iyo Gedo maadaama falkani uu yahay mid beel gaar ah shacabkeeda lala beegsaday oo ay geeysteen ciidan hal beel ah oo uu hogaaminayay  Cabaas Gureey oo ah nin hore dagaaladii sokeeye caan ugu ahaa dambiyada caynkan oo kale ah horayna loogu heystay.

Sidaas darteen ayeey Waxgaradka beesha Absame kuu baaqeen qodobadan hoose:

1-In DFKG ah ay  Cabaas iyo ciidankii falkaas gaystay ay cadaalada horkeenaan hadii kalena ay beesha ka qaadan doonto go,aano ay ku difaacayso deegaanadeeda, shacabkeeda iyo Sharafteeda, iyadoo baaq u diri doonta dhamaan dadka beesha u dhashay ee hiil iyo hooba la garab taagana DFKMG, gaar ahaan dadka ciidanka ka tirsan waayo ma suuroobeyso in ay jiidda ku jiraan maatidoodana loo daba maro.
2-Sidoo kale ayay beesha Absame baaq kaas la mid ah u direen saraakiisha ciidanka Kenya ee dagaanadaas ka howl galaya inay qeyb ka qaataan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dhagarqabeyaasha geeystay falkaas foosha xun.
3-Waxay beeshu dhaliileysaa Beesha Sade Daarood waayo Ugaaskii beesha iyo waxgaradkooda oo ku sugan halka weerarka laga soo qaaday isla markaana lagula noqday bililiqadii laga soo qaaday tuulada,oo aysan waxba ka oran dhibkaas lagula kacay dadka shacabka ah,waxaana ka soo qaadeynaa ama u aragnaa in ay tahay arrin ay isku ogaayeen waxgaradkaas iyo ciidanka tuulada dhibka ka geystay.
4-Sidoo kale beesha waxay ogeysiineysaa inay kalsoonidii kala noqotay xildhibaanada ka soo jeeda beesha ee aan marna isaga iman kana hadlin gabood-falka lagula kacay dadkii ay magacooda meesha ku joogeen,oo weliba maleeshiyo beeleed magaca DFKMG ku socda yihiin waxa falka geystay. .
Ugu dambeeyti ayeey waxgaradka beesha Abasme ugu baaqeen hay-adaha samafalka iyo qurba-joogta kasoo jeeda goboladaas in ay gargaar la gaaraan shacabka tuulada Dhuyac-Garoon oo ciidankii falkaas gaystay ay taangiyadii biyaha ka burburiyeen cuntadii keydka u ahaydna ay ka boobeen.

Faarax Cabdi Cali

Kismaayo-Shacabkamedia

Email:beeshaabsame@gmail.com

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...