Thursday 22 March 2012

Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Tan iyo intii xilka laga Qaaday Wasiirkii hore Maaliyadda Somaliland, Eng: Maxamed Xaashi Cilmi, Waxay Dadweynaha ku dhaqan Somaliland hadal hayeen sababta looga qaaday xilka wasiirkaasi, maadaama oo uu yahay wasiirkii Miisaaniyadda kor u qaaday, isla markaana danyarta Somaliland ka daayey lacagtii dugsiyadda laga qaadi jiray. Goobaha ay dadku ku kulmaan ayaa maalmihii u dambeeyey noqotay waxyaalaha inta badan laga dooddo ama lagu hadal hayo wasiirkaasi hore iyo dhaqaale ururintiisii, waxaanay dadku siyaabo kala duwan u macneeyeen xil ka qaadistan lagu sameeyey, taas oo lagu tilmaamay mid degdeg ah. "Maxamed Xaashi waa wasiirka kaliya ee xukuumadda madaxweyne Siillaanyo ku faanto waxqabadkiisa, wasiir waliba goobaha xafladaha ka sheegaan waxqabadkiisa, iyagoo ku tilmaamay inay xukuumadda cusubi samaysay waxyaalo badan oo horumar leh, taas oo uu ku sun tan yahay wasiirkii hore ee Maaliyadda" sidaas waxa yidhi Maxamed Xaamud Xirsi oo ka mid ah dhalinyarada magaaladda Hargeysa. Maxamuud Maxamed Cumar oo isna isbedelkaasi wasiiradda lagu sameeyey ka hadlaya waxa uu yidhi "wasiirkii hore ee maaliyadda waxyaalihii uu qabtay ee qalbiyadda dadweynaha Somaliland ka go’ayn waligood waxa ka mid ahaa kor u qaadidda dhaqaalaha dalka, waxbarashadda Bilaashka laga dhigay, mushaharka loo kordhiyey shaqaalaha iyo ciidamadda iyo mashaariicda horumarineed ee uu sanadkan ku daray miisaaniyadda Qaranka dhamantood waxay yihiin waxyaalihii uu qabtay wasiirkii hore ee maaliyadda " Maxamuud Xuseen Jaamac (Jawhar) oo isaguna sida uu u arko arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi " anigu waxaan u arkaa in la doonayo lacagtii la ururiyey ee uu wasiirku ururiyey la isticmaalo, laguna kharashgareeyo wax aan waxba u tarayn shacabka Somaliland," isagoo wasiirka cusub ee loo magacaabay xilkaasina ka hadlaya waxa uu yidhi " wasiirka Cusub ee Samaale waa nin maamulka yaqaanay laakiin ma gaadhsiin karo halka uu wasiirkii ka horeeyey gaadhsiisay waanu ku fashilmayaa, magac xumana wuu ka qaadayaa"ayuu yidhi Maxamuud. "Wasiirkii hore ee maaliyaddu waan ku farxay in xilka laga qaaday, waayo dalka busaarad buu noqday, loomana baahno qof wax uun ururiya ee waxa la ururiyey waa inuu dadka dib ugu soo noqdaa, marka masuul kasta oo loo magacaabo xilkaasi wuu ku dhaamayaa wasiirkii hore" sidaasna waxa yidhi Axmed Muxumed oo aragtidiisa ka dhiibanayey isbedelka lagu sameeyey wasiiradda Somaliland. Sidoo kale shaqaalaha kale ee dawladda oo uu boqolkii boqol u kordhiyey ayaa iyaguna ka warwarsan inay hoos u dhac ku timaaddo mushaharkii ay qaadan jireen kol haddii uu ka tagay wasiirkii Maaliyadda ee mushaharka u kordhiyey. Xilka ka qaadistii wasiirkii hore ee Maaliyadda waxa iyaguna ka hadlay qaar ka mid ah dhakhaatiirta cisbitaalka guud ee Hargeysa, kuwaasi oo sheegay inuu wasiirku u balanqaaday in miisaaniyadda ugu darayo sanadkan " wasiirku waxa uu noo balanqaaday in miisaaniyadda noogu darayo lacag, balse waa kaas la eryey oo lacagtaasina isagay raacaysaa uun, rajadii aan sugaynay ayaa halkaasi ku baaba’day" "Dhalinyarada intoodda badan waxay jeclaayeen inay hay’ado iyo shirkadaha gaar ah u shaqeeyaan, laakiin markii uu wasiirkani xilka la wareegay waxa uu markiiba mushaharka u kordhiyey shaqaalihii iyo ciidamadii, isagoo sanadadda soo socdana sheegay inuu 300% u kordhinayo shaqaalaha iyo ciidamada, taasina waxay rajo galisay dhalinyaro badan oo jaamacadaha kasoo qalinjabiyey inay xafiisyadda dawlada ku hamiyaan inay shaqeeyaan, maadaama oo markii hore mushahar yari looga carari jiray"sidaasna waxa yidhi Fu’aad Xasan Nuur oo ka mid ah dhalinyaradda jaamcada Hargeysa ka soo Qalinjabiyey. Si kastaba ha ahaatee, maalmihii u dambeeyey ayey arrintani noqotay waxyaalaha loogu hadal haynta badan yahay Somaliland, iyadoo xil wareejintii iyo lacagtii uu ku wareejiyey wasiirka cusub ay noqotay waxyaalo ku cusub dhaqanka xil wareejineed, maadaama oo marka uu wasiir xil wareejinayo uu sheegan jiray in deyn lagu leeyahay balse uu isagu ku wareejiyey 14 Milyan oo kaash ah iyo Deyn la’aan, waana markii ugu horaysay ee wasaaradda maaliyadda deyn la’aan xilka lagu wareejiyo. Inkastoo wasiirka Cusubi ee Cabdicasiis Samaale ka laalaadin wasiirkii hore haseyeeshee waxa laga filayaa inuu halkii uu wasiirkaasi hore gaadhsiiyey kor uga sii qaaddo. Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online barkhadladiif@hiiraan.com Hargeysa, Somaliland

Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Tan iyo intii xilka laga Qaaday Wasiirkii hore Maaliyadda Somaliland, Eng: Maxamed Xaashi Cilmi, Waxay Dadweynaha ku dhaqan Somaliland hadal hayeen sababta looga qaaday xilka wasiirkaasi, maadaama oo uu yahay wasiirkii Miisaaniyadda kor u qaaday, isla markaana danyarta Somaliland ka daayey lacagtii dugsiyadda laga qaadi jiray.

Goobaha ay dadku ku kulmaan ayaa maalmihii u dambeeyey noqotay waxyaalaha inta badan laga dooddo ama lagu hadal hayo wasiirkaasi hore iyo dhaqaale ururintiisii, waxaanay dadku siyaabo kala duwan u macneeyeen xil ka qaadistan lagu sameeyey, taas oo lagu tilmaamay mid degdeg ah.

"Maxamed Xaashi waa wasiirka kaliya ee xukuumadda madaxweyne Siillaanyo ku faanto waxqabadkiisa, wasiir waliba goobaha xafladaha ka sheegaan waxqabadkiisa, iyagoo ku tilmaamay inay xukuumadda cusubi samaysay waxyaalo badan oo horumar leh, taas oo uu ku sun tan yahay wasiirkii hore ee Maaliyadda" sidaas waxa yidhi Maxamed Xaamud Xirsi oo ka mid ah dhalinyarada magaaladda Hargeysa.

Maxamuud Maxamed Cumar oo isna isbedelkaasi wasiiradda lagu sameeyey ka hadlaya waxa uu yidhi "wasiirkii hore ee maaliyadda waxyaalihii uu qabtay ee qalbiyadda dadweynaha Somaliland ka go’ayn waligood waxa ka mid ahaa kor u qaadidda dhaqaalaha dalka, waxbarashadda Bilaashka laga dhigay, mushaharka loo kordhiyey shaqaalaha iyo ciidamadda iyo mashaariicda horumarineed ee uu sanadkan ku daray miisaaniyadda Qaranka dhamantood waxay yihiin waxyaalihii uu qabtay wasiirkii hore ee maaliyadda "

Maxamuud Xuseen Jaamac (Jawhar) oo isaguna sida uu u arko arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi " anigu waxaan u arkaa in la doonayo lacagtii la ururiyey ee uu wasiirku ururiyey la isticmaalo, laguna kharashgareeyo wax aan waxba u tarayn shacabka Somaliland," isagoo wasiirka cusub ee loo magacaabay xilkaasina ka hadlaya waxa uu yidhi " wasiirka Cusub ee Samaale waa nin maamulka yaqaanay laakiin ma gaadhsiin karo halka uu wasiirkii ka horeeyey gaadhsiisay waanu ku fashilmayaa, magac xumana wuu ka qaadayaa"ayuu yidhi Maxamuud.

"Wasiirkii hore ee maaliyaddu waan ku farxay in xilka laga qaaday, waayo dalka busaarad buu noqday, loomana baahno qof wax uun ururiya ee waxa la ururiyey waa inuu dadka dib ugu soo noqdaa, marka masuul kasta oo loo magacaabo xilkaasi wuu ku dhaamayaa wasiirkii hore" sidaasna waxa yidhi Axmed Muxumed oo aragtidiisa ka dhiibanayey isbedelka lagu sameeyey wasiiradda Somaliland.

Sidoo kale shaqaalaha kale ee dawladda oo uu boqolkii boqol u kordhiyey ayaa iyaguna ka warwarsan inay hoos u dhac ku timaaddo mushaharkii ay qaadan jireen kol haddii uu ka tagay wasiirkii Maaliyadda ee mushaharka u kordhiyey.

Xilka ka qaadistii wasiirkii hore ee Maaliyadda waxa iyaguna ka hadlay qaar ka mid ah dhakhaatiirta cisbitaalka guud ee Hargeysa, kuwaasi oo sheegay inuu wasiirku u balanqaaday in miisaaniyadda ugu darayo sanadkan " wasiirku waxa uu noo balanqaaday in miisaaniyadda noogu darayo lacag, balse waa kaas la eryey oo lacagtaasina isagay raacaysaa uun, rajadii aan sugaynay ayaa halkaasi ku baaba’day"

"Dhalinyarada intoodda badan waxay jeclaayeen inay hay’ado iyo shirkadaha gaar ah u shaqeeyaan, laakiin markii uu wasiirkani xilka la wareegay waxa uu markiiba mushaharka u kordhiyey shaqaalihii iyo ciidamadii, isagoo sanadadda soo socdana sheegay inuu 300% u kordhinayo shaqaalaha iyo ciidamada, taasina waxay rajo galisay dhalinyaro badan oo jaamacadaha kasoo qalinjabiyey inay xafiisyadda dawlada ku hamiyaan inay shaqeeyaan, maadaama oo markii hore mushahar yari looga carari jiray"sidaasna waxa yidhi Fu’aad Xasan Nuur oo ka mid ah dhalinyaradda jaamcada Hargeysa ka soo Qalinjabiyey.

Si kastaba ha ahaatee, maalmihii u dambeeyey ayey arrintani noqotay waxyaalaha loogu hadal haynta badan yahay Somaliland, iyadoo xil wareejintii iyo lacagtii uu ku wareejiyey wasiirka cusub ay noqotay waxyaalo ku cusub dhaqanka xil wareejineed, maadaama oo marka uu wasiir xil wareejinayo uu sheegan jiray in deyn lagu leeyahay balse uu isagu ku wareejiyey 14 Milyan oo kaash ah iyo Deyn la’aan, waana markii ugu horaysay ee wasaaradda maaliyadda deyn la’aan xilka lagu wareejiyo.

Inkastoo wasiirka Cusubi ee Cabdicasiis Samaale ka laalaadin wasiirkii hore haseyeeshee waxa laga filayaa inuu halkii uu wasiirkaasi hore gaadhsiiyey kor uga sii qaaddo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...