Sunday 11 March 2012

Korneyl Aden Afeey iyo Col.Cali Ganees oo Baydhabo lagu dilay.


Written by Administrator on .
somalimemo.netKhasaara culus ayaa ciidanka Itoobiya iyo maleeshiyaad taabacsan DKMG ah kasoo gaaray dagaalkii shalay gelinkii dambe ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba.


Saraakiil muhiim ah ayaa la sheegay in ciidanka Itoobiya iyo kuwa Soomaalida looga dilay dagaalkii Baydhabo, sarkaal katirsan maleeshiyaadka Soomaalida ee cadawga la socda ayaa xaqiijiyay in ladilay laba Korneyl oo lagu kala magacaabi jiray Aden Afeey iyo Korneyl Cali Ganaas oo labaduba ahaa kuwa dal aqoonka u ah Itoobiya.


Weerar gaadmo ah oo ay ciidamada Xarakada Al Shabaab ku qaadeen kolonyo gaadiid ah ayaa xaqiijiyay in saraakiishan lagu dilay xaaladda ayaa saaka degan waxaana jira dhaq dhaqaaqyo xoogan oo shacabka Bay iyo Bakool ay wadaan, marxalad cusub ayaa la sheegay in uu galay dagaalka iska caabinta ah ee ladoonayo in gumeysiga Itoobiya lagu jebiyo.

SomaliMeMo
Mudisho

admin@somalimemo.net

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...