Thursday 8 March 2012

Maamul Goboleedka Puntland oo Maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inay lacag u gaar ah soo sameysanayaan

Khamiis, Maarso 08, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland oo ka mid ah maamullada ka jira Soomaaliya ee taageersan DKMG ah ayaa sheegay inay sameynayaan lacag u gaar ah, taasoo lagu bedeli doono lacagta shilling Soomaaliga ah ee hadda laga isticmaalo deegaannada uu maamulkaas ka taliyo.

Wasiirka maaliyadda Puntland, Faarax Cali Shire oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in Puntland ay go'aansatay inay yeelato lacag u gaar ah, isagoo sababta ku sheegay hoos dhaca ku yimid lacagta shilling Somaliga ah ee hadda la isticmaalo.
"Lacagta cusub ee Puntland ay soo sameysanayso waxay imaan doontaa bisha soo socota gudaheeda," ayuu yiri wasiirka maaliyadda Puntland. Lacagtan ayaa waxay ka kooban tahay: 1,000, 2,000, 5,000, 10,000 iyo 20,000 oo dhammaantood isku dheggan.
Tallaabadan ay qaaday Puntland ee ay isaga bedelayso lacagta shillig Soomaaliga ah ayaa waxay noqonaysa tii ugu horreysay, iyadoo Puntland ay horay u sameysay calan u gaar ah iyo astaan u gaar ah.
Wasiirka maaliyadda Puntland wuxuu sidoo kale sheegay in cashuuraha Puntland lagu qaadi doono 50% dollar, halka kontonka kale ee harayna lagu qaadayo shilling Soomaali ah inta ay amar dambe kasoo saarayaan.
Dhanka kale madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole oo dib ugu laabtay Garoowe shalay ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku ansixinayaan dastuurka Puntland ka hor inta aan la ansixin dastuurka dowladda Soomaaliya.
Maamulka Somaliland oo horay ugu dhawaaqay inuu ka go'ay Somaliland ayaa iska bedelay shillig Soomaaliga iyagoo sameysay lacag u gaar ah, taasoo haadan si guud looga isticmaalo deegaannada uu maamulkaas ka taliyo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...