Sunday 11 March 2012

Madaxweynaha Puntland oo Shuruudo ku xiray wadahadallo Somaliland lala galo iyo Aqoonsiga Maamul Goboleedyada

 Axad, Maarso 11, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inaysan dowlada Soomaaliya keligeed awood u lahayn aqoonsiga maamul-goboleedyada dalka looga dhawaaqayo, sidoo kalena wuxuu shuruud ku xiray wadahadalo dhexmara DKMG ah iyo Somaliland.

C/raxmaan Faroole wuxuu ku eedeeyay Somaliland inay dhibaatooyin ka wadaan Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay dagaaladii Kalshaale iyo Buuhoodle, sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inay haystaan Laasa-caanood.
"Wax kasta oo Somaliland lala galayo hadaan Puntland ku jirin waa waxba kama jiraan," ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo la hadlayay xubno ka tirsan maamulka Putland oo uu kula shiray magaalada Garoowe.
Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in maamul goboleedyada dalka looga dhawaaqayo ay yihiin kuwo fowdo ah sidaa daraadeedna aqoonsigooda aysan u madaxbaanayn dowlada KMG ah oo keliya.
Maamul goboleedyada lagu dhawaaqayo ayaa wuxuu sheegay inay yihiin kuwo lagu dhaajinayo Puntland, isagoo xusay inaysan waxba ka jirin oo ay sameystaan laba qof oo meel fariistay, wuxuuna ku tilmaamya kuwo fowdo ah.
Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in la magacaabayo guddi ka shaqeeya sidii ay wadahadallo u yeelan lahaayeen Somaliland iyo DKMG ah.
Somaliland iyo Puntland waxaa ka dhexeeya xifaaltan ku saleysan gacan ku haynta deegaanno ay ku muran yihiin oo ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag oo maamul walba uu dhiniciisa ka sheeganayo inay hoos yimaadaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...