Thursday 8 March 2012

Madaxweyne Shariif oo sheegay in la magacaabayo guddi ka shaqeynaya wadahadallo dhexmara DKMG ah ee Soomaaliya iyo Somaliland



Khamiis, Maarso 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay inay sameynayaan guddi kasoo shaqeeya wahadallo dhexmara dowladda KMG ah iyo maamulka Somaliland oo horay ugu dhawaaqay inuu ka go'ay Soomaaliya inteeda kale.
Shariif Sheekh ayaa sheegay in la hilmaami karin qaybta weyn ee Somaliland ay ka qayb weyn ku lahaayeen xoreynta dalka iyo midnimadiisa isagoo sheegay inay ka hirgeliyeen deegaannadooda horumar dhinaca nabadda iyo siyaasadda ah taasoo aan la inkiri karin.
"Dowladda KMG ah waxay diyaar u tahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u saarto guddi si wadahadal loola billaabi lahaa walaalaheen Somaliland, iyadoo laga faa'iideysanayo fursadda billaabatay," ayuu yiri Shariif Sheek Axmed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay in dowladda KMG ah ay ka shaqeynayso burburinta maamullada dalka ka jira, balse wuxuu sheegay inay taageerayso DKMG ah horumarka iyo midnimadooda, isagoo sheegay inay u haystaan inay tahay guul ummadda Soomaaliyeed u soo hoyatay.
Sidoo kale, Shariif Sheekh wuxuu sheegay in dowladda KMG ah aysan albabbada ka laabanayn dadka cabashada qaba, balse ay u furayso cid walba oo wax tabanaysa, waajibna ay dowladda ku tahay inay raadinno fursad lagu mideyn karo Soomaaliya oo dhan.
"Baryahaan waxaa suuqa aad ugu jiray dowladdu waxay ka shaqeynaysaa inay burburiso Somaliland inay burburso Puntland taasna waxaba kama jiraan, innagu waxaan u arkaynay soo dhaweynta Qaatumo State howl gacanta Soomaaliyeed ku jirta, ujeedaduna ay tahay in dadka la wada hadashiiyo nabadna lagu wada noolaado, taasna waan kala hadalnay walaalaheen in dowladdu aysan waxba bur-burinayn balse ay wax dhisayso," ayuu yiri Shariif Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay xaflad lagu xusayay maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso oo ka dhacday Muqdisho, wuxuuna ammaan u jeediyay haweenka iyo doorka ay kaga jiraan horumarinta bulshada.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Maxamuud (Siilaanyo) uu sheegay inay wadahadallo la yeelanayaan DKMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in DKMG ah ay ula hadlayaan sidii dowlad jaarkood ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...