Sunday 11 March 2012

Mahiga Oo Xilka qaadis ku sameynaya Shariif Sh.Axmed Isagoo Wax ka Urinaya.


Written by Administrator on .
somalimemo.netQorshayaal baahsan oo ka dhan ah Shariif Sheekh Axmed ayaa ka socda xerada Xalane ee duleedka magaalada Muqdisho oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidanka AMISOM.

Sida caadada ah marka hogaamiye Dabadhilif ah ay ku shaqeystaan gumeystayaasha waxay bilaabaan dabandaabyo ka dhan ah hogaamiyahaasi si ay marmarsiimo ugu helaan xilka qaadistiisa.


A.Mahiga oo ah Ninka Q.Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa si xun u nacay Shariif Sh Axmed iyo saraakiishii Riddoobay ee Isbahaysigii dib u xoreynta kasoo galay DKMG ah.


Xafiiska Siyaasadda Q.Midoobe iyo taliska ciidanka shisheeye ayaa wado Ol Ole aad u ballaaran oo ay ku ridayaan shariif Sh Axmed.


Lacago boqolaal kun oo Dollar ah ayaa lagu faraqay Odayaal ay bahwadaag yihiin Shariif Sheikh Axmed si siyaasadiisa loo xumeeyo.


Waxa loogu yeero Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa shaqo lagu siiyay inay dhigaan dibad baxyo ka dhan ah dowladda Shariif.
Siyaasiyiinta ayaa rumeysan in Shariif uu ku socdo wadadii Cabdullaahi ku baxay sidaasi waa masiirka qof walba oo gaaladu ku shaqeystaan marka ay ku adeegtaan way eryaan iyagoo Nacladaya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...