Saturday 10 March 2012

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu eedeeyey lunsi Hanti Qaran


Masuuliyiintan la xidhay ayaa waxa ka mid ahaa Badhasaabkii gobolka Hargeysa Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarje, Agaasimaha wasaaradda Dib u dejinta Axmed Cilmi Yare, La taliyaha madaxweyne ku xigeenka Cismaan Siciid, kuwaas oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyey raashin la doonayey in loo qaybiyo qoysas danyar ah oo mucaawimo loo siiyey Somaliland.
Masuuliyiintan waxa lagu xidhay xarunta Dambi baadhista ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo su’aallo lagu waydiinayo, isla markaana lagu baadhayo kiiskoodda.
Arrintan lagu eedeeynayo masuuliyiintan ayaa ah Raashin mucaawimo ah oo loo waday in la siiyo dad danyar ah, balse la sheegay in loo duwaday bakhaaro u gaar ah si gaar ahna la doonayo in loo iibsaddo.
Inkastoo aanay xukuumaddu si dhab ah uga hadal arintan, haseyeeshee waxa wararka ku saabsan kiiskooddaasi sheegayaan inay la xidhiidho tuhun lunsi Raashin mucaawimo ah oo loo waday dad danyar ah.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Sabti, Maarso 10, 2012 (HOL) — Ciidamadda amniga Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ka dib markii lagu eedeeyey musuqmaasuq hanti ummadeed.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...