Wednesday 28 March 2012

Ra’iisul Wasaaraha oo ka soo laabtay Gaalkacyo kulana la qaatay wefdi sare oo ka socda Midowga Yurub


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
Share
Warsaxaafadeed
Ra’iisul Wasaaraha oo ka soo laabtay Gaalkacyo kulana la qaatay wefdi sare oo ka socda Midowga Yurub

Muqdisho, March 28, 2012—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka soo laabtay safar saddex cisho qaatay oo uu ku tegay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasoo uu uga qeybgalay aaska madaxweynihii hore Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii joogay magaalada Gaalkacyo waxa uu kulamo la qaatay madaxda maamulka Puntland oo uu ugu horeeyo madaxweyne Dr. C/raxmaan Faroole iyo Wasiiro, sidoo kale waxa uu la kulmay ururada haweenka gobolka Mudug iyo waxgarad kale.
Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah Mudane Sheekh Sharif ayaa waxa ay intii ay joogeen Gaalkacyo booqdeen magaalada Gaalkacyo dhanka maamulka Galmudug isaga oo kulamo la qaatay madaxda maamulkaasi wuxuuna shirkiisan jaraa’id ku sheegay in dowladda KMG ahi ay aad u soo dhoweyneyso nabadda iyo maamul wanaaga ka jira degaanadaasi ee maamulada Puntland iyo Galmudug isaga oo ku ammaanay sida ay nabadda u sugeen isla markaana ula dagaalameen Burcad badeed iyo Argagixisada.
Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli ayaa faah faahiyay shir uu uga qeybgalay Gaalkacyo isaga iyo wefdigiisa kaasoo looga hadlayo dhameystirka iyo dhaqangelinta qorshaha Roadmap-ka wuxuuna tibaaxay inuu si wanaagsan ku soo dhamaaday isla markaana ay soo baxeen qodobo muhiim ah habsami u socodka howlaha guddiyada iyo dhaqangelinta Roadmapka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka hadlay xoreynta qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud oo ay gacan ku heynteeda la wareegeen ciidaada Ahlusunna Waljamaaca oo gacan ka helaya Dowladda Itoobiya wuxuuna tilmaamay inay sii socon doonaan xoreynta dhamaaba degaanada dalka ee ay gacanta ku hayaan kooxaha Argagixisada ku dabaan ee Al shabaab.

Sidoo kale, Warbaahinta ayaa weydiisay sida uu u arko qorshe la doonayo in lagu weeraro degmada Cadaado oo ay gacanta ku hayaan maamulka Ximan iyo Xeeb, wuxuuna beeniyay inay jiraan qorsheyaal la isla ogyahay oo lagu gelayo ama xoriyadda looga qaadayo maamulkaasi iyo degaanada ay maamulaan, wuxuuna xusay in Ximan iyo xeeb ay tahay maamul ka mid ah maamulada dalka ayna wadashaqeyn iyo isfaham leeyihiin. Raalina aaney ka aheyn in wax loo dhimo.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay wefdi sare oo ka socday midowga Yurub kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Nic Westcott Agaasimaha guud ee qeybta Africa ee Midowga Yurub, Alexander Rondes Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub Geeska Afrika, iyo George Mark Andrea madaxa qeybta Soomaaliya ee midowga Yurub waxayna dhinacyadu ka wada hadleen qodbo badan oo ay ka mid ahaayeen in shirkii London kadib in ay qiimeeyaan arrimaha Roadmapka iyo sida uu u dhaqangalay, sidii loo soo afjari lahaa Xilliga kala guurka, sidii AMISOM iyo ciidamada qalabka sida ay ugu amaani lahaayeen xisilinta iyo xoreynta dalka, iyo sidii gobolada laga xoreeyo kooxaha Xagjirka ah sidii looga abuuri jawi nabadeed loogana saacidi lahaa in dib loo soo celiyo adeegyadii bulshada.
Sidoo kale, waxay diirada saareen ka hortaga Burcad badeeda iyo sidii loo sii ballaarin lahaa howlgalada Atlanta ee la dagaalanka Burcad badeeda, isaga oo tilmaamay in Midowga Yurub uu qorsheynayo in sidii howlgalkooda ay dhulka uga bilaabi lahaayeen iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed.
—DHAMAAD—
Waxaa Akhbaartaan iyo Sawiradaba Raxanreeb.com soo Gaarsiiyey

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
+252-6-2536608_
Mogadishu, Somalia

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...