Tuesday 27 March 2012

Saraakiil Ka Tirsan AMISOM Oo Gaaray Magaalada Beledweyne

Muqdisho (RBC Radio) Saraakiil ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.
Saraakiishaan oo ay ka mid ahaayeen qubaro xaga malatariga ah ayaa waxay u socdeen in ay soo indha idheeyaan gobalkaas si loo geeyo ciidamo ka tirsan AMISOM.
Wararka ayaa sheegaya in in saraakiishaan ay kulamo la qaateen maamulka gobalka Hiiraan iyo saraakiil kale oo ka tirsan saraakiisha Ethiopia eek u sugan gobalkaasi.
Gobalka Hiiraan ayaa waxaa la wareegay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo ciidamada Ethiopia kuwaasi oo meesha ka saaray Al-shabaabkii horay u maamuli jiray magaaladaasi.
Dhowaan ayaa waxaa la shaaciyay in ciidamo ka tirsan AMISOM ay la gayn doono magaalada Beledweyne kuwaasi oo waliba ka mid ah ciidamada Jabuuti ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho.
RBC Radio
xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...