Sunday 11 March 2012

Sarkaal Dhaawac ugu Geeriyooday Baydhabo iyo Macalin Nuurow oo Caawa ay toogteen Ciidanka Itoobiya (Warbixin).


Written by Administrator on .
somalimemo.netCiidamo iyo saraakiil shalay ku dhaawacmay dagaallo culus oo ka dhacay wilaayaadka Bay iyo Bakool ayaa u geeriyooday dhaawacyadii gaaray.


Ilo wareedyo ay SomaliMeMo ka heshay magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in uu isbitaalka magaaladaasi uu ku geeriyooday Nin sarkaal ahaa oo six un ugu dhaawacmay dagaalkii xalay.


Dad ku sugan ayaa xaqiijiyay in uu dhintay Abdow Aase oo kamid ahaa saraakiisha maleeshiyaadka Tababarada kusoo qaatay dalka Itoobiya ee qeybta ka ah cadawga Baydhabo qabsaday.

Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo waxaa maanta gelinkii dambe kasoo degay laba diyuuradood oo nuuca xamuulka ah kuwaasi oo ka yimid dhanka Itoobiya.

Diyuuradahan waxaa lagu daabulay Meydad iyo dhaawacyo Itoobiyaan ah.

Dhinaca kale qarax weyn ayaa caawa magaalada Baydhabo lagula eegtay maleeshiyaad Soomaali ah oo ku sugnaa afaafka hore ee saldhigga Booliska magaalada.


Ciidamada Cadawga Itoobiya ee xoogga ku jooga magaalada Baydhabo waxay caawa toogteen mid kamida shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Qof ku sugan Baydhabo ayaa SomaliMeMo u sheegay in ladilay Macalin Nuurow oo kamid ahaa Howlwadeena shirkadda Hormuud xarunteeda Baydhabo.

”Macalin Nuurow ayay dileen markii aan isku daynay in aan Meydkiisa soo qaadana Rasaas ayay nagasoo daba rideen” ayuu yiri oo qof soo qaaday Meydka Macalin Nuurow oo SomaliMeMo lahadlay.

Horay ayay ciidanka Itoobiya magaalada Baydhabo ugu dileen madaxii shirkadda Hormuud ee degmada Waajid, Baydhabo oo bilo ka hor aheyd amaan ayay cadawgu u bedeleen goob dadka lagu laayo.

SomaliMeMo
Muqdisho

admin@somalimemo.net

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...