Thursday 29 March 2012

Shabaab oo Weerar Gaadmo ah ku Qaaday Kolonyo Ethiopian oo Mareysay Bohol-Bashiir

Muqdisho (RBC) Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal kooban uu galabta ka dhacay meel u dhow deegaanka Bhol-Bashiir ee duleedka degmada Luuq ka dib markii weerar gaadmo ah ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen kolonyo ciidampo Ethiopian ah oo halkaasi marayey.
Weerarka gaadmada ayaa dhacay galabta abaare 4:00 galabnimo sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada DKMG Soomaaliya oo ku sugan degmada Luuq.
Ciidamada Ethiopianka ayaa ka soo dhaqaaqay dhanka degmada Yurkud waxayna ku sii jeedeen degmada Luuq iyadoo meesha weerarku ku qabsaday ay ahayd agagaarka Bohol-Bashiir.
Wararka deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in hubkaculus la isu adeegsaday dagaal kooban oo labada dhinac dhexmaray iyadoo ciidamada Ethiopianka ay hore u sii wateen safarkooda.
Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka gaadmada ee ay Shabaabka ku qaadeen ciidamada Ethiopianka, inkastoo saraakiisha DKMG ee ku sugan Luuq ay ku gaabsadeen inuusan jirin haba yaraatee wax khasaare ah.
Afhayeen u hadlay Al-Shabaab Sheekh C/casiis abnuu Muscab ayaa caawa idaacadda Al-Shabaab ka sheegay in weerarka gaadmada ah uu mid ay qorsheeyeen ayna khasaare dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen Ethiopianka.  Wuxuu intaa ku daray inay gaadiid dhowr ahna ay Ethiopianka kaga gubeen weerarka gaadmada ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...