Sunday 4 March 2012

Shariif Xasan: Doorashooyinka Soo Socda Waan Ka Qaybgalayaa

Muqdisho (RBC Radio) Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh ayaa maanta dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo laabtay wadanka dibadiisa.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa Suxufihiinta la hadlay ka dib markii uu Muqdisho ku soolaatay waxaana uu ugu horayn ka hadlay shirkii London wuxuuna sheegay in shirkaasi uu ahaa mid Muhiim ah.
Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay xiliga dowlada KMG ah markii uu dhamaado wuxuuna sheegay in doorashao la qadan doono beelaha Soomaaliyeedna ay dooran doonaan dad u galaya dowlada.
Wuxuu xusay in uu doonayo in uu ka qaybgalo doorashooyinka la qaban doono, isla markaana uu sii shaqayn doono hadii la doorto hadii aanan la doorana uu la shaqayn doono dadkii la doorto.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay qilaafka u dhaxeeya baarlamaanka KMG Soomaaliya wuxuuna ugu baaqay  xildhibaanada dowlada KMG ah in ay joojiyaan qilaafka u dhaxeeya.
Shariif Xasan ayaa wuxuu soo hadal qaadau dagaaladii ka dhacay Baydhabo iyo howlgaladii ay dowlada KMG ah ay kula wareegtay magaaladaasi wuxuuna sheegay in uu soo dhowaynayo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...