Wednesday 28 March 2012

Shariif:Ha la isku furo Gaalkacyo iyo Caalin oo ka soo horjeestay in Garoonka Gaalkacyo loogu magac-darro Marxuum C/laahi Yuusuf


PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Monday, 26 March 2012 15:36

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo xiligan ku sugan koonfurta magaalada Gaalkacayo dhinaca uu ka arimiyo maamulka Gal-mudug ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la helo isdhexgal buuxa oo ay sameeyaan shacabka maamulada Puntland iyo Gal-mudug.


Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay madaxda labada maamul inay xil iska saaraan sidii la isugu furi lahaa labada dhinac arintaas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid muhiim ah taas oo loo baahnaa inay timaado mar hore.


Mudane Shiriif iyo wefdigiisa oo shalay magaalada Gaalkacayo gaarey si ay uga qayb qaataan aaskii qaran ee loo sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen saxiixeyaashii heshiiska Road map-ka.


Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kasoo horjeestey go’aankii garoonka magaalada Gaalkacayo loogu magac daray madaxweynihii hore ee Soomaaliya AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed.


Wuxuuna sheegay in arintaasi aysan ahayn mid sharci ah madaama aan lagala tashan maamulkiisa isagoo tilmaamay in madaxweyne Shiriif uusan arintaas u madax banaaneyn waa sida uu hadalka u dhigaye.


Si kastaba ha ahaatee hadalka soo yeeray Gal-mudug ayaa kusoo beegmaya xilli shalay magaalada Gaalkacacyo aas qaran loogu sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyadoo madaxda Puntaland iyo DKG ay isku raaceen aaskaas kadib in garoonka Gaalkacayo AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed loogu magic darro.

Shacabkamedia:Beyra:Puntland

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...