Tuesday 27 March 2012

Sheekh Axmed Dhicisow : Mahiga Waa In Si Degdeg Ah Looga Ceyriyaa Dalka

Muqdisho (RBC) Kulan maanta bulshada rayidka ay ku qabteyn maanta oo Talaado ah magaalada Muqdisho, ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dastuurka la rabo in loo sameeyo Soomaaliya.
Kulanka oo ay ka soo qeybgaleyn boqolaal qof, ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay Guddoomiyaha Majmacaha Culimada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Dhicisow, kaa oo sheegay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM Agustine P Mahiga
Sheekh Axmed Dhicisow ayaa sheegay in haddii aan dalka laga qaban Mihiga oo si degdeg ah looga ceyrin in uu wax kale dalka oo xun uu ka sameen doono, taas oo uu sheegay in laga shaleyn doono.
Wuxuu sheegay danjire Mahiga in uu yahay nin rabo in uu dalka kala qeybiyo oo isaga midba uu sidii uu rabo uu ka dhigto.
“DKMG ah, waxa aan ugu baaqeynaa in ninkan ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay dalka uga ceyriso, waayo waxa uu soo wado ayaa ka badan waxa uu hadda sameenaayo” ayuu yiri Dhicisow.
Sidoo kale wuxuu u ka hadlay dastuurka la rabo in loo sameeyo Soomaaliya. wuxuu yiri :” Dastuurkan meelaha la wareejinaayo oo toqfasha ku jira annaga manaqaano, mana ahan mid dan u ah Soomaaliya ama maslaxdooda ka talinaya, waxa aan dhihii lahaa ma soconaayo.”
Waa uu sii hadlay wuxuu yiri : ” Dastuur haddii larabo in loo sameeyo Soomaaliya, waa in uu noqdaa mid xalaal ah, oo qof walba uu ka qeybagli karo, sidaas ayaa lagu sameen karaa dastuurka”
” Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho, marka dastuurka hadda lawado waa kaas, dowladda hadda jirta, ma gaari karto Baydhabo, shabeelaha dhexe, shabeelaha hoose, marka muxuu yahay dastuurka la rabo in loo sameeyo Soomaaliiya” ayuu yiri Sheekh Axmed Dhicisow oo ah guddoomiyaha majmaca culimada Soomaaliyeed ee Muqdisho.
Si kastaba, waxaa maalmahan soo badaneysa, dhaliilaha loo soo jeedinaayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Mahiga, wixii ka dambeeyay markii uu sheegay in madaxtooyadda Soomaaliya ay ka arrimiyaan kooxo uu ku sheegay Alla Sheekh, oo kuwa xag jir ah.
Sidoo kale, waxa maalmahan warbaahinta maxaliga iyo bogga bulshada ee Facebook la isla dhex marayaayay, Mahiga in uu ka qeygalay Salaadii Janaasada ee lagu tuktay madaxweynihii horre Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo ka dhacday Axadii toddobaadkan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Macadda si da ay arrimahan u saameen doonto shaqada Mahiiga iyo xafiikiisa UNPOS ee hadda ku yaala caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...