Tuesday 13 March 2012

Sidee Loo Qaybiyay Ciidamada AMISOM ee La Gaynayo Gobalada Soomaaliya (Warbixin+Sawiro)


Muqdisho (RBC) Shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay taliyaha ciidamada dalka Uganda Gen. Aronda Nyakairimi oo ka mid ahaa saraakiishii ka qeybgashay kulankii Guddig Amniga ee Wadajirka ah [Joint Security Committee] oo Muqdisho ka socday illaashalay ayaa wuxuu sheegay in howlgalka AMISOM lagu baahin doono Soomaaliya oo dhan.
General Aronda Nyakairimi oo markii uu shirku dhamaaday ka dib maanta faahfaahin siiyey suxufiyiinta ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay tegi doonaan gobolada Koonfurta iyo Bartamaha dalka ee Al-Shabaab laga xoreeyay.
General Aronda Nyakairimi ayaa sharaxaad ka bixiyey qorshaha ciidamo gaarsiinta gobolada ee Taliska Amisom uu dejiyey.
Gedo iyo Jubbooyinka
General Aronda Nyakairimi wuxuu sheegay in gobalada Jubooyinka iyo Gedo ay ka hawlgalayaan ciidamada Kenya ee haddaba ku sugan degmooyin ka mid ah goboladaasi.    Waxaana ciidamada Kenya ku soo biiri doona maalmaha dhow ciidamo ka socda wadanka Siralyooon oo dhowaan aqbalay in hal guuto uu kusoo biiroyo hawlgalka AMISOM ee dhowaan ansixinta ay siiyeen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Ciidamada Kenya waxay aqbaleen inay toos ugu biiraan ciidanka AMISOM ayna qaataan koofiyada cagaaran ee AMISOM  iyagoo hoostegi doona taliyaha guud ee AMISOM oo ah nin u dhashay wadanka Uganda.
Kenya waxay horey dood uga qabtay inay hoostagto taliyaha Ugandheeska ah laakiin hadda arintaasi waxay u muuqataa in la isku afgartay.
Baay iyo Bakool
Gobalada Bay iyo Bakool ayuu taliyaha ciidanka Uganda sheegay in la gayn doono ciidamo isugu jira Uganda iyo Burundi wuxuuna sheegay in ciidamadaasi uu hogaamin doono Taliye Burundi ah.
Magaalada Baydhabo iyo degmooyinka kale ee hadda ay gacanta ku hayaan ciidamada Ethiopianka ayaa la isku raacay inay kuwareejiyaan ciidamada AMISOM. Waxaana qorshahan uu dhacayaa ugu dambeyn bisha soo socota ee April.
Ciidamada AMISOM waxaa kaloo u yaalla inay hawkgalka Muqdisho ka socda ku soo xiraan mid ka imaanaya dhanka Baydhabo marka uu bilawdo duulaan hadda la qabanqaabinayo oo Muqdisho looga dhaqaaqo dhanka koonfurta iyo dhanka waqooyiga.
Gobolka Hiiraan
Gen. Aronda Nyakairimi ayaa wuxuu intaa ku daray in magaalada Beledweyne ay ka baxayaan ciidanka Ethiopian, waxaana kala wareegaya ciidamada Jabuuti oo hadda ku dhowaad 200 kaliya ka joogaan Muqdisho laakiin tiradooda la soo dhameystiri doono waqtidhow, siday xaqiijisay dawlada Jabuuti.
Ciidamada Jabuuti waxaa xagga Shabeelaha Dhexe ka caawin doona ciidamada Uganda, Burundi iyo kuwa DKMG ah oo la filayo inay u dhaqaaqaan dhanka Jowhar toddobaadyo gudahood si loo xaqiijiyo in labada Shabeelle iyo Hiiraan ay gacanta dawlada soo wada galaan
Sarkaalkan hogaamiya ciidanka Uganda ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay joogi doonaan oo kaliya ciidamada Uganda iyo kuwa Burundi.
Saraakiisha AMISOM waxay wariyaasha u soo bandhigeen qariirada Howlgalkaan ay bilaabayaan iyagoo sheegay in la qorsheeyay in howlgalka ugu horeeya uu ka bilowdo gobalada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe isla markaana howlgalkaasi ay bilaabaan ciidamada Uganda iyo Burundi ee haatan Muqdisho ku sugan.







RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...