Wednesday 28 March 2012

Ururka Ahlu Suna Oo Sheegay Inay Ku Wajahanyihiin Degmooyinka Buula Burde Iyo Jalalaqsi Oo Ay Joogaan Al-Shabaab

Muqdisho (RBC Radio) Ururka Alu Suna ayaa sheegay in ay duulaan ku yihiin deegaano kale oo ka tirsan goabalka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda Ahlu Suna iyo waliba dowlada KMG.
Arintaan ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii ciidamada Ahlu Suna iyo kuwa Ethiopia ay la wareegeen degmada Maxaas oo ka mid ah degmooyinka gobalka Hiiraan.
Adan Cabdulle Cawaale oo ah ka tirsan saraakiisha Ahlu Suna ayaa wuxuu sheegay in ay haatan ku wajahanyihiin degmada Buula Burde iyo Jalalaqsi oo ay ku suganyihiin kooxda Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay in degmooyinkaasi oo dhan ay ku beegsan doonaan isla markaana ay ka saari doonaan guud ahaan gobalka Hiiraan kooxda Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa waxaa laga saaray magaalooyin badan oo ka tirsan Soomaaliya kuwaasi oo ay ka midyihiin Baydhabo Xudur Beledweyne Ceelbuur iyo meelo kale.
Al-Shabaab ayaa sheegaya in lagu soo qaaday duulaan caalami ah isla markaana ay iska difaaci doonaan waxayna ugu baaqeen shacabka in ay la dagaalameen ciidamada Ahlu Suna iyo kuwa Ethiopia ee haatan dagaalada ka wada gobalada dhexe ee Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...