Thursday 22 March 2012

War deg deg ah: Sarkaal katirsan DKMG ah oo Muqdisho lagu dilay. Written by Administrator on 22 March 2012.

War deg deg ah: Sarkaal katirsan DKMG ah oo Muqdisho lagu dilay.
Written by Administrator on 22 March 2012.
Ciidamada Mujaahidiinta qarsoon ee Muslimiinta Soomaaliya ayaa caawa khaarijiyay sarkaal sare oo katirsan Sirdoonka DKMG ah ee shacabka Muqdisho u yaqaanaan Ashahaadda ladirir.

Goob joogayaal ku sugan degmada Howl-wadaag ayaa sheegay in xoogag Bastoolado ku hubeysanay toogteen Sarkaal PS-ta TFG katirsan xilli uu marayay meel ku dhaw Farmashiye Tanaad ee Howl-wadaag.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in xoogagii dilka geystay ay qaateen Bastoolad uu sarkaalka ladilay watay islamarkaana ay jeebabkiisa kala bexeen Dukumiintiyo iyo lacag.


30 Daqiiqo kadib markii falkaasi dilka ah dhacay ayay goobta soo gaareen maleeshiyaad katirsan DKMG ah waxayna goobta ka qaadeen Meydka Sarkaalkii ladilay.


Arrintan ayaa muujinaysa amni darada baahsan ee kajirta magaalada Muqdisho  habeenadii lasoo dhaafay ayay ciidamada Mujaahidiinta weeraro qorshaysan ku qaadayeen Villa Somaliya oo xarun u ah madaxda DKMG ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...