Thursday 22 March 2012

Warsaxaafadeed Shirkii golaha Wasiirada 22ka bishan Maaso  

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya
Khamiis, Maarso 22, 2012

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, arrimaha Gobolada, horumarka qabyo-qoraalka Dastuurka cusub, xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo arimo kale.

Ugu horeyntii Wasiirada Amniga oo ka warbixiyey xaaladda amniga ayaa sheegay in xasilinta Muqdisho iyo gobolada laga xorreeyey Al-Shabaab ay si fiican u socdaan. Hoobiyeyaashii lala beegsanayey shacabka maalmihii la soo dhaafay in laga hortagay lana soo qabtay 18 ruux oo ay baaris ku socoto, isla markaana Hay’adaha Amniga ay rondo joogto ah sameeyaan. Sidoo kale hay’adaha amniga waxey ku guuleysteen inay ka hortagaan falal argagaxiso oo shacabka lagu waxyeeli lahaa. Golahu waxey ku ammaaneen ciidankii ku guuleystay inay ka hortagaan qaraxyo lagu waxyeeli lahaa shacabka, kuna dhiiri geliyeen inay sii labo jibaaraan dadaalkooda sugidda amniga.

Wasiirka Dastuurka, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa golaha siiyey warbxiin ku wajahan horumarka ballaaran ee laga sameeyey dhameystirka qabyo-qoraalka dastuurka oo uu sheegay inay socdaan wadatashiyo lala yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada, lana gaarsiin doono dhammaan gobolada dalka.

Ugu danbeyntii, Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa golaha soo hordhigay Xeerka Isgaarsiinta oo uu horey golaha Wasiirada ugu qeybiyey 16kii Febraayo. WAsiirku waxuu sheegay in xeerkan uu nidaaminayo howlaha isgaarsiinta dalka, oo tartan iyo adeeg hufan ay heli doonaan shacabka Soomaaliyeed. Xeerkan waxuu abuurayaa Hay’ad Madaxbannaan oo aqon iyo xirfad isgaarsiin u leh howlaha isgaarsiinta. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiiradu waxey si aqlabiyad ah u ansixiyeen Xeerka Isgaarsiinta. Wasiirka ayaa ansixinta ka dib u mahadceliyey golaha una ballanqaaday in Wasaaraduu ay dar-dar gelineyso dhaqangelinta Xeerkan cusub.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...