Thursday 22 March 2012

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo sheegay inay Wadahadal la galayaan DKMG ah ee Soomaaliya  

Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ku sugan dalka Belgium ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay wadahadallo la furto DKMG Soomaaliya, balse wuxuu sheegay inay ula hadlayaan sidii dal ay walaalo yihiin.

Mr. Cumar wuxuu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato sidii nabad loogu soo-celin lahaa Soomaaliya, ayna aad uga xun yihiin dhibaatada ka jirta, isagoo beesha caalamka ugu baaqay inay gacan ka geystaan in xal loo helo Soomaaliya.

"Wadahadal kasta oo ay yeelanayaan Somaliland iyo DKMG ah ee Soomaaliya waa mid abuuri kara xiriir mustaqbal oo ay yeeshaan labada dhinac," ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray: "Somaliland waxay ula hadlaysaa Soomaaliya sidii dowlad ay jaar yihiin oo kale."

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay dhinacyo badan horumar ka sameysay tan iyo markii ay ka go'day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, isagoo xusay in gooni-isku-taagga Somaliland uu yahay mid lama taabtaan ah.

"Somaliland waxay gacan ka geysanaysaa nabad raadinta Soomaaliya; haddii ay ka hesho beesha caalamka aqoonsi buuxa," ayuu yiri Maxamed C/llaahi Cumar, isagoo ku boorriyay beesha caalamka in wadajir loola dagaalamo burcadbadeedda iyo argagaxisada.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa iyaduna horay u sheegtay inay wadahadallo la galayso Somaliland, inkastoo madaxda DKMG ah ay wadahadalladaas ku sheegeen inay yihiin kuwo lagu soo celinayo midnimadii Soomaaliya.

Mid ka mid ah qodobbadii kasoo baxay shirkii London ayaa wuxuu ahaa inay DKMG ah iyo Somaliland ka yeeshaan wadahadal mustaqbalkooda siyaasadeed, iyadoo ay labada dhinac u muuqdaan kuwo u heellan inay wadahadallo yeeshaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...