Sunday 4 March 2012

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo ka hadlay hawlgal saamayn badan yeeshay oo Dawladda Hoose ka fulisay Hargeysa

Hargeysa(RBC):- Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa maanta faahfaahin ka bixiyay hawl-gal ay dawladda hoose ee Hargeysa ku bannaysay Jidka Halbawlaha ah ee Xidhiidhiya badhtamaha magaalada iyo qaybaha kale ee Caasimadda. Isla markaana, ku baabbi’isay guud ahaanba mehero tiro badan oo dad danyar u badani ku haysteen hareera jidadka.
Waxa uu Wasiirka Arrimaha Guduhu ku dheeraaday sida ay daruuriga u tahay  in la habeeyo Shaaricyada  magaalada Hargaysa si ay u muuqato bilicdeeda.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Carraale (Duur), waxa uu sheegay inaanay jirin baahi kallifi karta in dadku ay soo galaan si ay ugu ganacsadaan waddooyinka dhexdooda, taasoo khatar gelin karta sida uu xusay noloshooda Wasiirku wuxuu  bulshada u soo jeediyay inay fahmaan in Jidadku ay yihiin meelaha ummada ka wada dhexeeya isla markaana aanay cid gaar ahi sheegan Karin.
Wasiir Duur waxa uu hoosta ka xariiqay in talaabadan ay ka wada hirgelin doonaan Magaalooyinka Waaweyn ee dalka si loo soo celiyo bilicdii waxaanu intaas ku daray inay dadka u sameeyeen suuqyo gaar ah oo ay ku ganacsan karaan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha mar uu ka hadlayay Markab u rarnaa Ganacsato Somaliland u dhashay oo koox budhcad badeed Somalia ahi ku afduubeen xeebta wadanka Cumaan ayaa ugu baaqay inay soo daayaan Markabkan maadaama oo uu u rarnaa ganacsato Somaliland ah.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...