Sunday 11 March 2012

Weli ma aragtay Xaasaska Shariifka(Marwooyinka M/weynaha oo Casho sharaf u qabtay Haween Soomaaliyeed)

PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Friday, 09 March 2012 22:26

Waxaa markii ugu horeysay Kaamaradda Shacabkamedia ee Xafiiska Muqdisho qabatay 2-ka mid ah Xaasaska Madaxweyne Sheekh Shariif oo markii ugu horeysay Casho-sharaf u sameeyay Haween Soomaaliyeed,iyagoo xusaya maalinta Haweenka ee 8-Maarso.

Marwooyinka sida wadajirka ah xalay casho-sharaf ugu sameeyay Haween iyo marti-sharaf la-casumay,ayaa marki ugu horeysay Saxaafadda u ogolaaday in sawir laga qaado,iyagoo dhinacyadda ka fadhiya odaygooda Madaxweyanaha Soomaaliya.

Geba-gabadii Casho-sharafta ayaa 2-xaas ee Madaxweyne Sheekh Shariif mid-mid u gacan-qaadeen marti-sharaftii ka soo qeyb-gashay xafladda,waxayna kula kaftameen in sanadka dambe ay rajeynayaan inay casho sharaf qurux-badan  ku qabtaan Madaxtooyadda hadii Soomalidda doorato Madaxweyne Shariif

Shariifka ayaa lagu xantaa inuu sidii shaarkii oo kale isugu bedeli haweenka,waxaana intii uu xilka hayey uu guursaday 8-jeer,isagoo 4-ka mid ah Gabdihii da*da yaraa uu guursaday iska furay 2-ka mid ah,waxaana Sheekha loo qariyaa inuu jecel-yahay gabdhaha dhayladda ah,iyadoo 2-xaas ee Kaameradda Shacabkamedia qabatay ay wejigoodu u muuqdo inay ka yar-yihiin Madaxweyne Shariif.















Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Xilka ma wareejinayo Safaaradan anigaa ku habsaday (Qiso yaab leh oo Kenya ka taagan) PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Saturday, 10 March 2012 18:06

Danjiraha u fadhiya Soomaaliya Dalka Kenya Cali Ameeriko,ayaa diiday inuu xilka ku wareejiyo Safiirka cusub ee Kenya loo soo magacaabay Cali Ugaas,wuxuuna wacad ku-maray inuu xoog ku heysanayo dhismaha Safaaradda,maadaama sida uu ku doodayo  hanti-badan ay ka gashay dacwadii dib gacanta dhismaha loogu soo celiyay Safaaradda Soomaalidda oo markii hore nin Hindi ah uu ka iibsaday Safiirkii-hore ee Dawladdii Marxuum  Siyaad Barre.

"Aniga Safaaraadan ma wareejinayo,waana ku habsaday ilaa iyo inta dhaqaalihii iga baxay la ii siinayo"ayaa ka mid ahaa hadalo uu ku hadaaqayey Safiirkan aaminay in Safaaradan uu dhaxaltooyo ku helay,waxaana Soomaalidda Kenya ku dhaqan ay la yaabsan-yihiin indha-adeega iyo ninkan u dhaqmaya habkii dagaal oogayaasha,isagoo aan ku xisaabtamin inuu yahay Diplomaasi dawladeed oo markii la doono xilka laga qaadi karo.

Danjre Ameeriko ayaa maalmahan bilaabay inuu lacago ku faraqo Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Nayroobi ku-sugan si ay dacaayad beenaad ugu sameeyaan,iyagoo bilaabay inay suuqa geliyaan,Cali Ameeriko waa Safiir wanaagsan oo wadani ah,iyadoo aan ognahay inuu yahay shaqsi ku caan-baxay muqalasnimo iyo inuu Viisooyinka Talyaaniga suuq-madoow ku iibsaddo.

Tabardaridda Dawlad ku-sheega Soomaaliya ayaa sababtay in maanta Safaaradaha Kenya,Turkiga iyo Dubai  ay ku habsadaan shaqsiyaal calooshood la-cayaar ah oo ku-faanaya inay ku habsadeen Safaaraddaha loo magaacabay ayna adag-tahay in xilka ay hayaan laga qaado,waana arin laga yaqyaqsoodo in shaqsiyaal sheeganaya Diplomaasiyiin inay u dhaqmaan habkii Dagaal-oogayaasha,waxaana la saadalinayaa inay Xukuumada Madaxweyne Shariiif iyo Gaas ay ku adkaato inay xilka ka qaadaan,Danjire Ameeriko oo ku faanaya inuu ku habsaday Safaaradii ka dhaxaysay Qaranka-Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in Danjirahan ku faanayo inuu Safaarada ku habsaday inuu  dembi ka galay ugu yaraan  20-gabdhood oo Soomaaliyeed,kuwaasoo uu  ku cayaaray gabarnimadooda,kadib markii uu ugu sheekeeyay inuu Viiso-Talyaaniga u soo saarayo,balse markii dambe la ogaaday inuu been u sheegay naftoodda.

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...