Mogadisho, 12, June, 2012….. Marwada Ra’iisul Wasaaraha Hodon Saciid Ciise ayaa xalay kulan xog wareysi ah la qaadatay Ururada Haweenka Soomaaliyeed, Iyadoona kulanka la isku xog wareysanayay sidii haweenka ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dadaalada xalka loogu raadinayo Arrimaha Soomaaliya.
“Ugu horeyn waxaan aad ugu faraxsanahay in aan caawa wada kulano, Inagoona ka wada tashaneyno Aayaheena iyo waliba doorka aan ku leenahay Siyaasadda Soomaaliya”.
Marwo Hodon Saciid Ciise ayaa aad u amaantay Ururada Haweenka Soomaaliyeed doorka ay ka qaateen hormarka dalka iyo dadaalada socdo, Iyadoona sheegtay in 30% ay ku leeyihiin xubna dowladda, taana ay tahay guul islamarkaana loo baahan yahay in haweenka Soomaaliyeed ay soo muujiyaan doorarka ay ka qaadan karaan xaaladaha Soomaaliya.
Waxaa warbixino laga dhageystay qaar ka mid ah haweenkii kulanka ka qeyb galay, Iyagoona sheegay in Xaalada Soomaaliya ay door muhiin ku leeyihiin maadaama ay dhibaatadii dalka ka dhacday inta badan soo gaaratay Haweenka.
“Burburkii dalka ka dhacay waxaa dhibaatooyin badan ka soo gaaray Haweenka, waxaa loo geystay tacdiyad ay ka mid yihiin, Dil, Kufsi iyo dambiyo kale”.
Sidoo kale Haweenka ayaa soo dhaweeyay Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee shirka ugu soconayo Magaalada Muqdisho,Inkastoo ay haweenka qaar sheegeen in Raggu aaney waxba u ogaleen haweenka balse kulanka looga hadlay sidii arrimahaasi wax looga qaban lahaa, Loona soo xuli doono 30% ay ku leeyihiin dowladda sida jaatarka ku cad ee 4.5.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka soo qeyb galay kulanka. Isagoona sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa door muhiim ah ka qaato dalka islamarkaana xoojiya dadaalada balse Marwada Ra’iisul Wasaaraha Hodon Saciid Ciise ayaa tilmaamtay iney haweenka la tashadaan Odoy Dhaqameedkooda ayna haweenka xilkooda la duudsiin karin maadaama 30% ay leeyihiin xilalalka dalka, Waxayna haweenka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay door muhiin ah ka qaataan dadaalada looga baxay KMG.
-----Dhamaad----
------------------------------------------------------------------------------
Deputy of Communication director Office of the PM.
Abdinor Abdikadir Mohamed (Daacad).
Tell: +252 615 244689
+252 699 070907